Brcadda iIran ayaa bartilmaameedsaday Donald Trump, Iagoo u doortay madaxa FBI-da, Kash Patel, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen habeenimadii Talaadada.
Patel waxaa dhawaan ku wargaliyay xafiiska, in jabsadayaasha Iran ay u suurtagashay in ay galaan ugu yaraan qaar ka mid ah isgaarsiinta Patel.
Inkastoo afhayeenka kala guurka ee Trump Alex Pfeiffer uu diiday inuu ka hadlo jabsiga, wuxuu Sheegay in Patel uu ahaa qayb muhiim ah oo ka mid ah dadaallada maamulka ugu horreeya ee Trump “ka soo horjeeda Waxay Ugu Yeereen nidaamka argagixisada Iran.”
Ma ahan markii ugu horeysay oo saaxiibada Trump la bartilmaameedsado la,isku dayo la jabsado; Mid ka mid ah qareennada Trump, Todd Blanche, ayaa talefankiisa ay duubtay Shiinaha.,
Waa kuma Kash Patel?
Kash Patel, ayaa ka mid ah taageerayaasha ugu daacadsan ee madaxweynaha la doortay ee Donald Trump, Taa ayaa u sababtay In loo doorto inuu hoggaamiyo FBI-da.
Patel, oo intii uu Trump xilka hayay kula taliyey labada agaasime ee sirdoonka qaranka iyo xoghayihii gaashaandhigga, ayaa hore ugu baaqay in FBI-da laga xayuubiyo doorkeeda xog-ururinta, lagana nadiifiyo darajooyinka shaqaale kasta oo diida inuu taageero qorshaha Trump.
Magacaabida Patel, Trump waxa uu muujinayaa in uu isu diyaarinayo in uu fuliyo hanjabaadiisa uu ku doonayo in uu xilka kaga tuuro Wray, oo ah Jamhuurigii ugu horeeyay ee uu soo magacaabay Trump, kaas oo 10-sano oo uu FBI-da u hayay aanu dhamaanayn ilaa 2027.