Madaxweynihii hore ee Maraykanka ahna musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa sheegay: in wax isdabamarin ay ka dhacday codayntii magaalada Philadelphia, oo ah magaalada ugu dadka badan gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka, taasoo ay maamulka magaaladana kaga jawaabeen diidmo iyo cambaareyn.
Trump ayaa yiri fiidnimadii Talaadada, “Waxaa jira hadal hayn badan oo ku saabsan musuqmaasuqa baahsan ee ka jira doorashada magaalada Philadelphia” isagoona dhanka kala ku booriyay dadka Ameerikaanka ah inay ka qeybqaataan doorashada ilaa daqiiqadaha ugu dambeeya.
Dhankiisa xeer ilaaliyaha guud ee magaalada Philadelphia ninka lagu magacaabo Larry Krasner ayaa sheegay: in aysan waxba ka jirin eedeymaha Trump ee ah wax isdabamarin inay ka dhacday magaaladaas.
Geesta kale, Booliiska Philadelphia ayaa CNN u sheegay: inaysan ka warqabin wax musuqmaasuq ah oo ka dhacay doorashada magaalada, waxayna xaqiijiyeen inaysan dhicin wax dhibaato ah oo ubaahan faragelin amni.
Trump wuxuu sheegay inuu aqoonsan doono natiijada doorashada haddii ay noqoto mid ka hufan musuqmaasuq, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.