Trump oo isku Diyaarinayayo inuu Mareykanka ka Masaafuriyo in ka badan 500 Kun oo Soogalooti ah.

22
0

Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa fiidnimadii Jimcaha ku dhawaaqay, inuu joojinayo sharciga ku dhawaad ​​532 Kun oo qof, kuwaas oo kasoo kala jeedo dalalka Cuba, Haiti, Nicaragua, iyo Venezuela, kuwaas oo Mareykanka ku yimid barnaamij uu bilaabay Madaxweynihii hore dalkaas Joe Biden bishii Oktoobar 2022-kii lana ballaariyay bishii Janaayo ee sanadkii xigay.

Waaxda Amniga Gudaha ee dalkaas ayaa sheegtay, in dadka soogalootiga ah ee uu barnaamijkani khuseeyo ay waajib ku tahay inay ka baxaan Maraykanka 24-ka Abriil, haddii aysan helin sharci kale oo socdaal oo u ogolaanaya inay dalka ku sii sugnaadaan.

Tan iyo markii uu talada Maraykanka qabtay Trumb waxaa dalkaas laga masaafurayay dad aad ufarabadan, kuwaas oo qaarkood la geeyay xabsiga sumcad darrad ku caanbaxay ee Guantanamo Bay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here