Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta booqasha ku tagay boqortooyada Sacuudi Carabiya, gaar ahaan magaalada Riyaad, kaas oo noqoya safarkiisii ugu horeeyay oo meel ka baxsan Mareykanka uu ku tago tan iyo muddo xileedkiisaan danbe. Booqashadaan ayaa qayb ka ah socdaallo uu ku mari doona waddamada Khaliijka.
Trump ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Dhaxalsugaha Sacuudiga ninka lagu magacaabo Maxamed Bin Salmaan, iyadoo kulammadaas uga wada-hadli doonaan ballan-qaadkii hore ee Sacuudiga ee ahaa inuu $600 bilyan ku maalgelinayo Mareykanka afarta sano ee soo socota, iyadoo ay macquul tahay inay ka wada-xaajoodaan caadiyaynta cilaaqaadka Sacuudiga iyo Yahuudda.
Trump oo la ogyahay gacanta uu ku leeyahay xasuuqa ka socda marinka Qazza ayaa raba inuu si xur ah ugu socdaala waddamada carabta gaar ahaan kuwa Khaliijka, kuwaas oo khudlaamiyay ehelkeenna ay Yahuuddu ku xasuuqayso xayndaabka go’doonsan ee Qazza.