Trump oo Shaqada ka Ceyriyay Dhammaan Qareennada guud ee lasoo Magacaabay xilligii Biden.

22
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii ku dhawaaqay, inuu amar ku siiyay waxa loogu yeero waaxda cadaaladda inay shaqada ka ceyriso dhammaan xeer-ilaaliyasha guud ee Mareykanka ee ka haray maamulka madaxweynihii hore ee Joe Biden.

“Afartii sano ee la soo dhaafay, Waaxda Cadaaladdu waxay ahayd mid aad loo siyaasadeeyay sidii hore,” Trump ayaa ku qoray Truth Social “Sidaas darteed, waxaan amray in la joojiyo dhammaan qareennada Ameerikaanka ah ee ka haray maamulka Biden.” Ayuu raaciyay.

Toddobaadkii hore, Aqalka Cad ayaa soo saaray ogaysiisyada shaqa joojinta dhowr qareen oo kamid ahaa qareenada ay soo magacaabeen maamulkii Biden.

Isniintii, dhowr qareen oo Ameerikaan ah oo loosoo magacaabay xiligii Biden ayaa ku dhawaaqay inay iscasileen, halka qaar kalena ay horay uga tageen dowladda usbuucii hore.

Xil ka qaadista lagu sameeyay qareenada Mareykanka, oo ah saraakiisha ugu sareysa fulinta sharciga federaalka ee degmadooda, ayaa ka dhigan qalalaasihii ugu dambeeyay ee soo wajaha waxa loogu yeero waaxda cadaaladda Mareykanka tan iyo markii uu xilka la wareegay Trump bishii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here