Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa fiidnimadii Jimcaha ku dhawaaqay, xil ka qaadis uu ku sameeyay taliyihii guud ee ciidamada Mareykanka General Charles Brown, waxaana uu sheegay in uu dhawaan sameyn doono isbedallo kale oo ku aadan hoggaanka ciidamada Mareykanka.
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa ku sheegay, in uu u magacaabi doono jagadan General Dan Razen oo horay shaqada uga fariistay, si uu u bedelo Brown.
Sida laga soo xigtay New York Times, xil ka qaadista General Brown waxay ka tarjumaysaa ku adkaysiga Trump ee ah in hoggaanka milatarigu uu noqday mid ku mashquulsan arrimo aan loo baahnayn, wuxuuna sheegay inuu lumiyay doorkiisii ku aadanaa ee difaaca dalka.
Go’aankan ayaa yimid ka dib toddobaadyo qalalaase ka dhex aloosnaa Pentagon-ka, kaas oo durba isu diyaarinaya in shaqo ka fariisin baahsan lagu sameeyo shaqaalaha rayidka ah, marka lagu daro dib-u-habayn lagu sameeyay miisaaniyadda ciidamada Mareykanka, iyadoo la raacayo siyaasadda cusub ee “America First” ee arrimaha dibadda.