Trump oo Wali ku Madax adaygayo Qorshihiisii Gurracanaa ee ahaa in Labarakiciyo Reer Gaza.

21
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii dib u cusbooneysiiyay taageeradiisa qorshaha ah in Falastiiniyiinta si joogto ah looga barakiciyo Marinka Gaza, lana gaarsiiyo wadamo kale, isagoo tixgelinaya in xalka colaadda uu ku jiro in Falastiiniyiinta ay ka baxaan Gaza, iyo in ay jiraan dalal aan ahayn Jordan iyo Masar oo aqbali doona in la dejiyo.

Hadalka Trump ayaa yimid xilli uu Aqalka Cad kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu, ka hor wadahadallo laba geesood ah oo dhexmaray labadooda.

“Dadka Gaza ku nool waxay soo mareen cadaab, ma ahan meel ay ku noolaadaan, uma maleynayo inay dib u soo laabanayaan, kuma noolaan kartaan Gaza hadda, waxaan qabaa inaan u baahanahay meel kale, waxaan qabaa inay noqoto meel dadka ka farxisa,” ayuu yiri Trump.

Trump waxa uu tilmaamay, in Masar iyo Urdun ay Washington ku wargeliyeen in aanay raali ka ahayn soo dhaweynta dadka reer Gaza, balse waxa uu ku andacoodey, in dalal kale ay muujiyeen rabitaankooda ku aaddan soo dhaweyntooda, wuxuuna yiri: “Madax badan oo dalal kale ayaa nala soo xiriiray, waxayna muujiyeen rabitaankooda ah inay magan galyo siiyaan reer Gaza.

Tan iyo 25-kii Janaayo ee lasoo dhaafay, Trump waxa uu waday qorshe uu Falastiiniyiinta Gaza ugu wareejinayo dalalka deriska ah, sida Masar iyo Urdun, taas oo labada dal ay diideen, iyadoo dalal kale oo Carbeed, kuwa heer gobolka iyo kuwa caalamiba ay kasoo horjeedsaday qorshahaan. Waxaa sidoo kale si aad ah gaashaan ugu duruuray qorshahaan muqaawamada Falastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here