Trump: Ukraine Waxay Diyaar u Tahay Inay ka Hoos Shaqayso Maamulkayga.

17
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in uu warqad ka helay dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky, taasoo cadeynaysa in Kiev ay diyaar u tahay in ay wada xaajood nabadeed la gasho Ruushka, ayna la saxiixato Washington heshiis naadir ah.

Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Ukraine ay soo jeedisay xabbad-joojin cirka iyo badda ah, taas oo ah talaabadii ugu horreysay oo ay Ukraine u qaado dhanka wada hadal lagusoo afjaro dagaalka, halka Kremlin-ku uu rajaynayo go’aanka Washington ee lagu joojinayo gargaarka milatari, si Ukraine loogu riixo heshiis nabadeed.

Trump ayaa ku xaqiijiyay – khudbad uu ka hor jeediyay fadhi wadajir ah oo ay yeesheen golaha Congress-ka – in maamulkiisu uu helay calaamado xooggan oo muujinaya in Moscow ay diyaar u tahay nabadda Ukraine.

Dhanka kale, xubin ka tirsan guddiga xiriirka dibadda ee senetka Jeanne Shaheen ayaa sheegtay, in joojinta kaalmada militariga Mareykanka ay ka dhigan tahay in difaaca hawadu uusan mar dambe ka hor istaagi doonin madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu duqeeyo iskuullada iyo isbitaallada Ukraine.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa ayadoo maalmo kahor kulan ka dhacay aqalka cad ee Maraykanka lagu bahdilay madaxwaynaha Ukarine Zelenzky, kaas oo ugu dambayntii isku dhiibay dawladda Maraykanka kaddib markii laga goostay kaalamadii military ee lasiin jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here