Turkiga iyo Yahuudda oo lafilayo in uu dagaal kadhex qarxo.

33
0

Su’aasha ku saabsan suurtagalnimada in dagaal uu ka dhex qarxo Turkiga iyo Yahuuda, ayaa ahayd mid ka mid ah su’aalaha ugu badan ee la is-weydiinayay todobaadkii la soo dhaafay, iyadoo dadka doodan dhaliyay aysan ahyn oo kaliya mucaaradka Turkiga, waxaa sidoo kale ka hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo sheegay in uu kacabsi qabo in duulaan uga yimado Yahuudda.

Sababtaas awgeed, baarlamaanka Turkiga ayaa yeeshay fadhi qarsoodi ah oo ay uga doodeen heerka ay gaarsiisan tahay khatarta  Yahuudda , waxayna wasiirradu u gudbiyeen xogtii loo baahnaa Baarlamaanka.

Oktoobar 1, 2024, Erdogan ayaa arrintan ka hadlay mar uu khudbad ka jeedinayay munaasabadda kalfadhiga cusub ee baarlamaanka, wuxuuna yiri: “Maamulka Israa’iil, ee kasoo gudbay dhamaan xuduudadii dhalka uu xooga ku haysaty, kaas oo gebi ahaanba ku tiirsan xagjirnimada diimeed, waxaa uu maanka ku hayaa dhulka Turkiga kadib marka uu Falastiin iyo Lubnaan soo dhaafo,  marar badan ayuu damaciisa soo bandhigay”.

Erdogan oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri  “Waxaan  aragnaa hadal kasta oo kibir leh oo ay Israaiil jeediso in Turkiga uu san ka marnayn,  Waxaan sii wadi doonaa inaan ka hortagno gardaradan iyo argagixisanimadan annagoo adeegsanyna awooddeena oo dhan, waxaan  u danaynaynaa dalkeena hooyo, qarankeena iyo madax-banaanideena.”

Hadaladan waxay Turkiga iyo bariga dhexe ka dhaliyeen muran baahsan, laakiin Erdogan ayaa maalmo ka dib ku celiyay hadalkaas, taas oo muujinaysa sida uu u culus yahay.

Hadalka Erdogan kadib, baarlamaanka Turkiga ayaa yeeshay fadhi qarsoodi ah. Wasiirka arrimaha dibadda Hakan Fidan iyo wasiirka gaashaandhigga Yasar Guler ayaa u gudbiyay baaarlamaanka xogaha ku saabsan khatarta Yahuudda. Madaxda Turkiga ayaa sheegay in waxa kalfadhigaas lagaga hadlay aan la shaacin doonin muddo toban sannadood ah, sababtoo ah waxaa loo arkaa inay tahay sir dawladeed.

Si kastaba ha ahaatee, gardarada Yahuudda ee gobolka ayaa khatar cad ku ah amniga Turkiga. Ilaa hadda lama garanayo talaabooyinka ay dawladu qaaday iyo xeeladaha ay dejisay. Balse waxaa muuqata hadalka Erdogan in dowladdu ay ka shaqeyneyso, sidii looga hortagi lahaa khatartan ka hor inta aysan gaarin dhulka Turkiga.

Waxay u muuqataa in qaab-dhismeedka iyo hubaynta ay sameeyeen Maraykanka iyo Yahuudda ee bariga webiga Furaat ee Suuriya, kuwaas oo ku xiran xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK), lafilayo in loo isticmaali doono  dagaalka laga cabsi qabo in Turkiga lagu qaado.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here