Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday, in uu ka codsaday madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, inuu gacan ka geysto sidii loo caadiyayn lahaa cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee udhaxeeya dawladiisa iyo maamulka Nusayriyada ee Bishaar Al-asad, kaas oo ka arimiya dalka suuriya.
Erdogan ayaa sheegay in uu ka codsaday Putin, intii uu ku sugnaa dalka Ruushka, in uu taageero xiriirka u dhexeeya Dimishiq iyo Ankara si loo caadiyeeyo cilaaqaadka u dhaxeeya Labada maamul, iyo in uu ajiibo Madaxweynaha Nusayriyada, Bashaar Al-Assad, la kulanka Erdogan, wuxuuna carabaabay Erdogan, in uu Ruushku saamayn ku leeyahay xukuumadda suuriya, taasna ay soo dadajin karto in uu Bashaar Al-Assad aqbalo baaqiisa.
Joogitaanka ciidamada Turkiga ee waqooyiga Suuriya ayaa ka dhigan qodob aasaasi ah oo ay isku hayaan Ankara iyo Dimishiq, taasoo caqabad ku ah dadaallada lagu doonayo in lagu caadiyeeyo xiriirkooda, iyadoo ay xukuumadaa Suuriya dalbatay in ciidamada Turkiga laga saaro waqooyiga dalkaas, si loo sii ambaqaado caadiyeynta xariirka labadaan maamul ee dhiig miiratada ah.
Arinkaan ayaa kusoo beegmaya,xiili uu Turkiga duqaymo ka fuliyay xarumo ay leeyihiin Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan ee Suuriya iyo Ciraaq, isagoo ku andacooday in Labadii qof ee fuliyay weerarkii lagu qaaday xarunta shirkadda Tusas ee Ankara Arbacadii lasoo dhaafay, ay ka yimaadeen Suuriya kana tirsanayeen Xizbigaas.
“Haddii isha argagixisanimadu ay tahay Suuriya, waxaan la macaamili doonnaa halka ay ka timid, waana tan aan ku dhaqaaqnay kadib weerarkii argagixisanimo ee lagu qaaday Tusas” ayuu yiri Erdogan isaga oo ula jeeda Xisbiga Shaqaalaha ee Kurdistan.