Turkiga oo Duqayn ku Dilay Xubno ka Tirsan Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan ee Waqooyiga Ciraaq.

19
0

Wararka inaga soo gaaraya Ciraaq ayaa sheegaya, in weerar cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga uu sababay dhimashada 3 xubnood oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee waqooyiga Ciraaq, kaas oo dhacay galabnimadii shalay oo Sabti ahayd.

Weerarka ay fuliyeen diyaaradaha Turkiga ayaana lala beegsaday gaari marayay meel buuraley ah oo u dhow magaalada Dohuk ee waqooyiga Ciraaq, kaas oo sababay ugu danbayntii dilka 3 xubnood,  oo mid ka mid ah 3 qof ee dhintay uu yahay sarkaalka sare oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha Kurdistan,  Sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray Xizbiga oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters.

Turkiga ayaa marar badan weeraro cirka ah ku qaaday Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan  ee ku sugan waqooyiga Ciraaq, wuxuuna Turkiga uu Tobannaan goobood ku leeyahay dhulka Ciraaq.

Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan ayaa bilaabay olole hubaysan oo ka dhan ah Ankara sanaddii 1984-kii miilaadiyada, ujeedaduna  waxa ay ahayd in la sameeyo dawlad madax-bannaan oo Kurdiyiintu  leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here