Turkiga oo Duqeeyay Xarumo ay Leeyihiin Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan ee Suuriya iyo Ciraaq.

44
0

Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ayaa ku dhawaaqday, inay duqaysay 32 bartilmaameed oo ay ku sugnaayeen xisbiga shaqaalaha Kurdistan iyo xulafadooda waqooyiga Ciraaq iyo Suuriya, taasoo jawaab u ahayd weerar lagu bartilmaameedsaday Ankara Arbacadii shalay.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: ” innaga oo ka amba qaadayna xuquuqda aan uleenahay inaan difaacno nafteena, ayaan fulinay hawlgal dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee waqooyiga Ciraaq iyo Suuriya, waxaana si guul leh loo burburiyay 32 bartilmaameed”  Waxay tilmaantay Wasaaradda  in duqaymaha  hawadu ay sii socon doonaan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Turkiga, ninka lagu magacaabo Ali Yerlikaya ayaa shaaca ka qaaday, in tirada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii hubeysnaa ee lagu qaaday shirkadda duulista ee Tusas oo ku taalla degmada Kahraman Kazan ee caasimadda Ankara ay gaartay 5 dhimasho ah iyo 22 dhaawac ah.

Shalay oo Arbaca ahayd, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay, in 4 ay ku dhinteen, halka 14 kalena ay ku dhaawacmeen weerar hubeysan oo uu ku tilmaamay weerar argagixisnimo, kaas oo ay fuliyeen dad aan la garanayn haybtooda, kuwaas oo watay hub iyo bambaanooyin, kadibna waxay beegsadeen shirkadda Tusas ee magaalada Ankara.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga ayaa sheegay, in ay aad ugu badan tahay in kooxda weerarka geysatay ay ka tirsan yihiin xisbiga shaqaalaha Kurdistan, kuwaas oo lagu tilmaamay inay ka tirsan yihiin argagixisada Turkiga.

Waxaa xusid mudan in TUSAŞ ay ka mid tahay shirkadaha ugu muhiimsan xagga difaaca iyo duulista hawada ee dalka Turkiga, sidoo kalena ay soo saarto diyaaradda Qan oo ah diyaaradii ugu horeysay ee dagaal ee lagu sameeyo Turkiga, marka laga soo tago mashaariic kale oo ay qabato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here