Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa ka soo xigatay agaasimaha maamulka guud ee dekedaha dalkaas, ninka lagu magacaabo Mazen Alloush, kaas oo sheegay Talaadadii in Turkigu uu qaaday xayiraadii saarnayd badeecadaha Suuriya ee loo dhoofiyo suuqyada Turkiga.
Alloush oo lahadalay warbaahinta ayaa yiri, “Kulamadii iyo doodihii ay yeesheen hay’adda guud ee dekedaha badda iyo wasaaradda ganacsiga ee Turkiga waxaa ka soo baxay go’aan ah in la qaado xayiraadda lagu soo rogay dhoofinta badeecadaha Suuriya ee loo dhoofiyo suuqyada Turkiga.”
Mas’uulkan ka tirsan dowladda Suuriya ayaa uga mahad celiyay wasiirka ganacsiga Turkiga go’aanka xayiraadda looga qaaday, isagoo sheegay in tani ay ka tarjumayso qota dheerida xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal.
Wasiirka ganacsiga Turkiga Cumar Bolat ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa uu bilaabayo wadahadal uu la yeelanayo madaxda Suuriya, si dib loogu soo nooleeyo heshiiska ganacsiga xorta ah ee labada dal.
Dhinaca kale, Mazen Alloush ayaa ku dhawaaqay in inka badan 100 kun oo muwaadiniin ah ay ka soo laabteen dalka Turkiga kaddib markii la afgambiyay nidaamkii Bashaar Al-asad.