Turkiga oo Mar Kale Soo Saaray Hanjabaad ku Aadan Xoggaga SDF.

7
0

Turkiga ayaa shalay Talaadadii mar kale ku hanjabay  in uu bilaabayo hawlgal milatari oo ka dhan ah waxa loogu yeero Xooggaga Dimuqraadiga ah ee Suuriya, illaa ay ogolaadaan shuruudaha Ankara ee marxaladda ku meel gaarka ah, Kaddib dhicitaankii Bishaar Al-Asad.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa xaqiijiyay, in digniintii ugu dambeysay la siiyay SDF, oo Ankara ay ku tilmaantay urur argagixiso ah, haddii kale waddankiisu uu qaadi doono tallaabooyin lagama maarmaan ah oo ka dhan ah ururkan, si arinta Suuriya wax looga badalo.

Fidan ayaa waraysi uu siiyay Telefishin maxalli ah shalay Talaadadii  ku yiri “Haddii ururka SDF uusan u dhaqmin si waafaqsan shuruudaha aan usoo jeedinay, waxaan qaadi doonaa tallaabada lagama maarmaanka ah,” Wasiirkan mar wax laga waydiiyay waxa ka dhalan kara talaabadan, wuxuu sheegay wadada kaliya ee u furan Turkiga inay tahay  hawlgal militari.

Afgembigii Asad ee kooxaha Suuriya ee ay hoggaaminaysay  Hay’at Taxriir Al-Shaam – bishii hore – ayaa sii xumeysay suurtagalnimada in Turkigu uu faragelin toos ah ku sameeyo xooggaga Kurdiyiinta, oo Ankara ay ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin xisbiga shaqaalaha Kurdistan, oo ay tobanaan sano dagaal kula jirtay.

kooxaha Suuriya ee ay Turkigu taageeraan ayaa ku guuleystay inay ururka SDF ka saaraan magaalooyin dhawr ah oo ay ugu horreeyaan Tal Rifaat iyo Manbij, iyadoo ay socdaan isku dhacyo xooggan oo u dhexeeya Labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here