Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ninka lagu magacaabo Hakan Fidan ayaa ku dhawaaqay, in dib loo furayo safaaradda Turkiga ee Dimishiq, laga billaabo maanta oo Sabti ah, kaddib markii ay xirnayd tan iyo bishii March ee sannadkii 2012-kii, arintan ayaa timi sannad kaddib markii uu billowday baaqyada dowladda Turkiga ee ku aaddan inuu is-casilo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Bishaar Al-Asad.
Wasiirkan ayaa danjire Burhaan Koroglu u magacaabay in uu si ku meel gaar ah u sii hayo safaaradda Turkiga ee ku taalla magaalada Dimishiq, tan ayaana ka dhigan in Turkigu uu doonayo inuu xiriir diblumasiyadeed la samaysto nidaamka cusub ee dalka Suuriya.
Tan iyo markii uu dhacay Nidaamkii mujrimka ahaa ee Bishaar Al-Asad, waxaa isasoo tarayay dalalka dib u furaya safaaradihii ay ku lahaayeen Suuriya, kuwaas oo xirnaa mudadii uu socda kacdoonka shacabka ee talada dalka looga tuuray Bishaar, maalmo kahor dawladda Qatar ayaa sidan oo kale ku dhawaaqaday inay dib ufuri doonto safaaradeeda Dimishiq.