Turkiga oo Xabsiga Dhigay ku Dhawaad 30 kamid ah Xubnaha Mucaaradka ee Dalkaas.

5
0

Dowladda Turkiga ayaa xabsiga dhigtay ugu yaraan 28 xubnood oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee CHP, kuwaasoo lagu eedeeyay musuqmaasuq, xilli xaaladda siyaasadeed ee dalkaasi cirka isku sii shareereyso.

Qabqabashada ayaa timid kadib markii maxkamad ku taalla magaalada Istanbul ay soo saartay waaran lagu raadinayo 47 xubnood oo kale oo iyaguna ka tirsan isla xisbiga CHP, taasoo keentay in booliisku fuliyaan hawlgallo ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha sare ee mucaaradka.

Mas’uuliyiinta la xiray ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan hore xil sare uga soo qabtay dowladda, iyo saraakiil sar-sare oo xilal ka haya degmooyin muhiim ah oo magaalada Istanbul ka tirsan. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weeraray xarumo dowladeed oo ku yaalla dhowr degmo, iyagoo halkaas ka sameeyay baaritaano adag.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay weli taagan tahay xiisaddii ka dhalatay xarigga duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu, oo si weyn loo cambaareeyay, islamarkaana sababay mudaharaadyo waaweyn oo lagaga soo horjeedo dowladda  Erdogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here