Turkigu waa dal dhaca bariga dhexe qaybna ka ah Gaashaan buurta gardarada iyo gafuurtaaga ku caanbaxday ee NATO, dalkan waxaa horay usoo maray Khilaafadii Cuthmaaniyiinta oo ay u hayd caasimada looga taliyo uguna dambaysay khilaafooyinkii Islaamka, kaddib 1924-kii waxaa talada dalkaas afgambi ku qabsaday nin ay soo barbaariyeen gaaladu oo diin iyo damiirba ka marnaa, waxaana lagu magacaabi jiray Mustafa Kamaal Ataaturky.
Ninkan ayaa markii uu qabsaday talada dalka mamnuucay dhamaan wixii qiyam Islaami ahaa oo dalkaas ka jiray, wuxuuna badalkoodii dalka kusoo rogay dhaqamadii reer galbeedka, heerka uu kagaaray cadaawada uu Islaamka u qabo, waxay gaartay inuu dalka ka mamnuuco barashada wax kasta oo laxiriira diinta Islaamka, sidoo kale wuxuu amar ku bixiyay in saladaha lagu tukado af-Turki meeshana laga saaro luuqada Carabiga.
Tan iyo markaas waxaa talada dalkan soo kala dhaxlayay madax kamar karaamada diinta una madiidsan danaha gaalada, waxayna garab buuxa u noqdeen ciidamada Nasaarada ah ee dalalka Islaamka kusoo duulay, Turkiga ayaa kaalinta Labaad kaga jira dawladaha ku bahoobay gaashaan buurta NATO, waxaana ka horeeya oo kaliya dawladda Saliibiyada ah ee Maraykanka.
Sanadkii 1993-kii Turkiga ayaa qayb kasoo noqday duulaan qaawan oo ay dawladda Marykanka iyo dalal kale kusoo qaadeen dalkeena Soomaaliya, janaralkii ugu sareeyay ciidamadaas oo ahaa nin Turkiya ayaa lagu magacaabi jiray Generaal Biir, wakhtigaas Turkigu wuxuu qayb ka ahaa gumaadka ay ciidamadaas kula kacayeen dadkeena.
Turkigu wuxuu mar kale soo caga dhigtay Soomaaliya Sanadkii 2011-kii, isagoo markan isku qarinaya gargaarka biniaadantinimo, balse qasadkiisa ayaa ahaa inuu dhiniciisa ka boobo khayraadka dalkeena ceegaaga, wuxuuna ciidamo calooshood u shaqaystayaal ah ka qortay dalka, si uu ugu difaacdo danihiisa.
Ciidamadan caloshood u shaqaystayaasha ah ee uu Turkigu taakuleeyo ayaa dadka Soomaaliyeed kula kacay gabood fallo baahsan, iyagoo taageero kahelaya diyaaradaha dronska ah ee uu Turkigu lee yahay, kuwaas oo duqaymo badan ku dilay dad shacab ah.
Dhanka kale, Turkigu wuxuu qabsaday dhamaan ilihii dhaqaalaha ee dalka, sida dakadaha iyo eraborada, wuxuuna ka cayriyay shaqaalihii Soomaalida ahaa ee ka shaqayn jiray dakadda, isagoo badalkooda keenay shaqaale Turki ah, arintan ayaana banaanka keenaysa damaca uu Turkigu ku doonayo boobka khayraadka dalkeena Soomaaliya.
Horaantii sanadkan hada sii dhamaanaya ee 2024-ka, waxaa magaalada Addis ababa heshiis ku saxiixday Mahaxwaynihii hore ee maamulka Soomaaliland Muse Biixi iyo Raisul Wasaraha Itoobiya Abiy Axmed, kuwaas oo ku heshiiyay in Itoobiya la siiyo 20 KM oo kamida badda Soomaaliya, waxayna arintani dhalisay kacdoon balaaran oo ay bulshada Soomaaliyeed kaga dhiidhiyeen xadgudubka Itoobiya ay ku hayso Biyaha Soomaaliya.
Sidaas si lamida dawladda Turkiga ayaa ayaduna cambaraysay damacan ay Itoobiyo lahayd, ayadoo iska dhigaysa inay ilaalinayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxayna xeebaha Soomaaliya usoo dirtay Markab dagaal, ayadoo sheegtay inay badda ka dhifacayso cid walba oo kusoo xad gudubta, balse arintan ayaa ahayd shirqool siyaasadeed oo uu Turkigu u dhigayay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, si uu udamiyo guuxa bulshada ee ku aadanaa arintan, dhinaca kalana uu ku doonayay inuu khayraadka Badda ceegaaga ku boobo.
Golaha barlamaanka ee dawladda Fadaraalka ayaa Bishii Labaad ee Sanadkan 2024-ka ansixiyay heshiis lagu sheegay inuu yahay mid difaac iyo iskaashi dhaqaale oo ay kala sixiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, heshiiskan ayaa dhigaya in Tobanka sanno ee soo socda uu Turkigu biyaha Soomaaliya difaaci doono, dhanka kalana dhisi doona ciidamo badeed oo ay Soomaaliya lee dahay.
Heshiiskan ayaana la horkeenin baarlamaan, loona sheegin qodabadiisa iyo qaabka uu uqoran yahay, balse waxaa la saxiixay ayadoon waxba laga ogayn, waxaana wakhtigaas soo baxayay shaki ah in heshiiskan uusan ahay waxa lagu sheegay oo ahaa Difaac iyo Iskaashi dhaqaale, balse uu yahay qandarasyo lagu xaraashayo khayraadka Badda Soomaaliya.
Waxaa dalkan Turkiga lagu qabtay wada hadalo lagu doonayay in lagu dhexdhaxaadiyo Labada dhinac, ayadoo ay dawladda Turkigu geed gaaban mid dheerba u fuushay sidii ay ugu qancil lahayd madaxda Soomaalida, inay aqbalaan damaca Abiy Axmed ee ah inuu helo qayb kamida Badda Soomaaliya.
Labo habeen ka hor taariikhdu markay ahayd 12-ka bishan December, waxaa magaalada caasimada ah ee Ankara ka dhacay shir uu garwadeen ka ahaa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdugan, waxaana Itoobiya loogu saxiixay qayb kamida badda Soomaaliya, heshiiskan oo uu hormuud ka ahaa Erdugan ayaa banaanka keenay cadaawada qarsoon ee uu Turkigu u hayo dalkeena.
Sidoo kale waxaa beenowday halku dhigyadii uu Turkigu ku sheegayay inuu difaacayo Badda Soomaaliya, isagoona markan lasoo saftay dawladda Itoobiya kuna taageeray damaceeda badeed, dhanka kalana uu amar ku siiyay Xassan Sheekh inuu aqbalo heshiiskan.