Ugu Yaraan 10 Ruux oo ku Shahiiday Xasuuq ay Yahuuddu ka Geysatay Magaalo Dhacda Daanta Galbeed.

23
0

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay, in gumeystaha Yahuuddu ay xasuuq cusub ka geysteen magaalada Tamuun oo ka tirsan degmada Tubas ee waqooyiga daanta galbeed, taasoo keentay in ay ku shahiidaan 10 falastiiniyiin ah.

Hay’adda Bisha Cas ee falastiin ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in shaqaalaheeda ku sugan Tubas ay u gudbiyeen isbitaalka tiro dad ah oo isugu jira kuwa dhintay iyo kuwa dhaawacay, kadib duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday magaalada Tamuun, oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Sahaayinada.

Ciidamada Sahaayinada ayaa sheegay, in weerarka ay la beegsadeen koox mintidiin Falastiiniyiin ah, iyadoo aan faah faahin dheeraad ah laga bixinin.

Balse, dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ayaa cambaareeyey xasuuqan, waxa ayna dhaheen ” dambiyada ay gumaysigu ka gaysteen Daanta Galbeed ma jabin doonaan iska caabinteena, mana argagixanayaan shacabkeena.”

Waxayna intaas ku dareen, in dilka tiro ka mid ah dagaalyahannada muqaawamada ee magaalada Tamuun ay caddayn u tahay fal-dambiyeedka gumaysigu ku hayo shacabka reer Falastiin, waxayna ugu baaqeen shacabka ku dhaqan Daanta Galbeed, Qudus iyo gudaha la haysto inay uga qayb qaataan halganka socda wax walba oo ay awoodaan si ay isaga caabiyaan gumaystaha horarka ah iyo kuwa uu meesha ku deegaamaynayo.

Xarakada Jihaad Islaami ayaa dhankeeda cambaareysay xasuuqan waxayna sheegtay, in ay qeyb ka tahay dambiyada dagaal ee la doonayo in lagu barakiciyo falastiiniyiinta.

Mar sii horeysay, Guutada Jenin ee taabacsan guutooyinka Al-Qudus oo ah garabka melleteri ee Xarakada Jihaad Islaami ayaa sheegtay, in ay dagaallo ba’an ku qaadeen, isla markaana ay guulo ka gaareen dagaalka ay ku qaadeen ciidamada guumeysiga Yahuudda ee ku sugan xerada Jenin ee Waqooyiga Daanta Galbeed.

Gardarada Yahuudda ay ku hayso Jenin ayaa bilowday maalintii saddexaad ee dhaqangelinta heshiiska xabbad joojinta ee Gaza, kadib xasuuqa Sahaayinada oo socday in ka badan 15 bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here