Ugu Yaraan 13 qof oo ku Dhintay Roobab Mahiigaan ah oo ka Da’ay Magaalada Bahia Blanca ee Dalka Argentina.

15
0

Wararka inaga soo gaaraya waddanka Argentina oo dhaca Koonfurta qaaradda Ameerika ayaa kusoo waramaya, in qaybo kamida dalkaas ay ka da’een roobab mahiigaan ah oo geystay khasaare isugu jiro dhimaso, burbur hantiyadeed iyo isu socodkii bulshada oo istaagay, halka tobanaan ruuxna laga daadgureeyay goobaha ay saameeyeen roobabka.

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay roobabkaas mahiigaan ah oo tan iyo subaxnimadii jimcaha ka da’ayay magaalo xeebeedka Bahia Blanca, oo 600 kilomitir koonfur-galbeed ka xigta magaalada caasimadda u ah Argentina ee Buenos Aires.

Kow iyo toban ka mid ah saddex iyo tobanka qof ee dhintay ayaa la aqoonsaday, iyadoo  Golaha deegaanka ee dagmadaasi ay sheegeen, inay suurtagal tahay  inay jiraan dad kale oo ku dhintay magaalada, taas oo ay ku nool yihiin 350 kun oo qof.

Dawladda hoose ee magaalada Bahia Blanca ayaa joojisay dhammaan dhaqdhaqaaqyadii magaalada, waxayna ugu baaqday dadka deggan inay guryahooda joogaan ilaa amar dambe, iyadoo u oggolaatay mashiinnada culus oo keliya inay dhaqaaqaan, si loogu diyaargaroobo hawlaha samatabbixinta iyo daadguraynta.

Magaaladaan ayaa horay u soo martay dhacdooyin la xiriira isbadalka cimillada oo daran. Dhamaadkii 2023-kii, duufaan xoog leh oo wadata roob xooggan iyo dabeylo gaaraya illaa 150 km/saacaddii ayaa dilay saddex iyo toban qof kaddib markii uu kusoo soo dumay guri ay ku jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here