Ugu yaraan 14 Qof oo Falastiiniyiin ah oo ku Shahiiday Duqeymo ay Diyaaradaha Yahuudda ka Fuliyeen marinka Gaza.

22
0

14 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay aroornimadii hore ee manta duqeymo isdaba joog ah oo ay diyaaradaha Yahuuddu  ka geysteen deegaano kala duwan oo ka tirsan Marinka Gaza, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad iyo kuwo maxalli ah.

Diyaaradaha cadawga Yahuudda ayaa duqeymahan la beegsaday deegaanno ka tirsan Khan Yuunis iyo Rafah oo ku yaalla Koonfurta Marinka Gaza, iyadoo ay u sii dheer tahay duqeymo loo geystay xerada Al-Bureij oo ku taalla bartamaha marinka Gaza iyo guri ku yaalla xaafadda Al-Sabra ee Koonfurta magaalada Gaza.

Waxaana la xaqiijiyay in magaalada Khan Yuunis, lagu dilay 4 qof oo ay ku jiraan labo haween ah, kadib weerar dhanka cirka ah oo lala beegsaday teendho ay ku noolyihin dad barakacayaal ah oo ku taalla galbeedka magaaladaasi.

Duqayn kale oo lala beegsaday teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla Koonfur-galbeed ee Khan Yuunis ayaa sababtay dhimashada laba qof iyo dhaawaca shan kale.

Sidoo kale, qof dumar ah iyo nin ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii diyaaradaha gumaystaha Yahuudda ay beegsadeen teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla waqooyiga Khan Yuunis.

Dhanka magaalada Rafah, ilo wareedyo ayaa kusoo waramaya in labo qof ay ku dhinteen mid kalena uu ku dhaawacmay duqeymo ka dhacay aagga warshadaha ee magaalada.

Geesta kale, guri ay leeyihiin qoyska al-Hattab ayaa lagu weeraray agagaarka Abu Eida ee xaafadda al-Sabra ee koonfurta magaalada Gaza, halkaas oo ay ku dhinteen afar qof isla markaana ay geysteen burbur baahsan.

Diyaaradaha dagaalka ee Sahaayinada ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan deegaano kale oo ka tirsan Marinka Gaza oo ay ku jirto xerada qaxootiga ee Al-Bureij oo ku taalla bartamaha Gaza.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada Yahuudda oo ku aadan duqeyntaasi. Balse weerarkaan ayaa yimid kadib markii wada xaajood lagu dhameeystiray xabad joojinta uu istaagay, kadib markii ay Yahuuddu jabisay balamihii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here