Ugu yaraan 20 qof oo ku Dhaawacantay Mudaaharaadyo ka Dhacay Dalka Argentina.

40
0

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhaawacantay oo mid ka mid ah uu dhaawiciisu yahay mid halis ah, intii ay socdeen rabshado ka dhacay caasimadda Argentina ee Buenos Aires Arbacadii, kaas oo u dhexeeyay booliiska iyo dibadbaxayaal isugu soo baxay waddooyinka si ay u difaacaan xuquuqda dadka hawlgabka ah.

Wariyayaal ka tirsan AFP ayaa soo sheegay, in intii uu iska horimaadku socday ay dibadbaxayaashu dhagxaan ay ku tuureen booliiska, kuwaas oo ku jawaabay rasaasta cinjirka ah, iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.

Markii hore, mudaaharaadku wuxuu ku socday si deggan, balse waxaa cirka isku sii shareeray xiisadda u dhexeysa dibad-baxayaasha iyo booliiska, waxaana isku dhacay booliiska iyo boqollaal dibadbaxayaal ah oo ku sugnaa agagaarka xarun baarlamaan oo ku taalla halkaas.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa banaan baxaasi waxa uu isku bedelay rabshado ba’an oo ka dhacay barxadda May, halkaasoo ay ku taallo xarunta madaxtooyada.

Booliska ayaa sheegay, in ay xireen in ka badan 100 qof, iyagoo xusay in dibadbaxayaasha ay dab qabadsiiyeen gaari ay lahaayeen booliska iyo mooto.

Tani waa mid ka mid ah isku dhacyadii ugu xooganaa ee dalka ka dhaca intii uu xilka hayo Javier Milei, kaas oo kursiga ku fadhiyo 15 bilood oo kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here