Ilo ka tirsan booliiska dalka Hindiya ayaa sheegay in ugu yaraan 24 qof oo Hinduus ah lagu dilay weerar lagu qaaday dalxiisayaal ku sugnaa gobolka Kashmir.
Weerarka ayaa ka dhacay gobolka Kashmir qeybta ay gumeysato xukumada Hinduuska ah ee Hindiya, waana weerarkii ugu xoganaa ee gobolkaas ka dhaca muddo sannad ku dhow.
Weerarka ayaa ka dhacay Pahalgam, oo ah goob loo dalxiis tago oo ay ku badan yihiin Muslimiinta oo soo jiita kumanaan qof oo soo booqda waqtiyada xagaaga.
Gobolka Himalaya oo ay isku heestaan xukumadaha Hindiya iyo Pakistan ayaa waxaa hareeyay rabshado tan iyo markii ay mandiqadaasi ay ka bilowdeen kacdoonka looga soo horjeedo Hindiya sanadkii 1989-kii.
Weerarada ka dhanka ah dalxiisayaasha ku sugan Kashmiir ayaan gabi ahaanba joogsan, balse sanadihii ugu dambeeyay ayee hoos u dhaceen.