Ugu Yaraan 30 Qof oo ku Dhintay Shil Bas oo ka Dhacay Dalka Bolivia.

28
0

Shil baabuur ayaa ka dhacay dalka Bolivia, kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 30 qof oo rakaab ahaa, dalkan ayaa dhaca koonfurta Maraykanka, waxaana shilkan lagu sheegay inuu yahay shilkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca qaaradan sanadadii ugu dambayay.

Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xigatay dad goob joogayaal ah ayaa sheegtay in shilkan ay ku dhinteen in ka badan 30 qof oo rakaab ahaa, wuxuuna gaar ahaan ka dhacay magaalada Yocalla ee dalkaas.

Xarumaha caafimaadka ee magaalada uu shilku ka dhacay ayaa lasoo gaarsiiyay 14 qof oo qabay dhawaacyo kala duwan oo ay ku jiraan afar carruur ah, sida uu sheegay dhakhtar ka hawlgala isbitaalka magaalada Yocalla.

Saraakiisha Booliiska ee dalkaas ayaa warbaahinta u sheegay in shilkan uu ka dhashay darawalka gaari oo xakamayn waayay baska. Shilkan  ayaa gaar ahaan ka dhacay inta u dhaxaysa magaalada Potosi iyo magaalada Oruro.

19 qof oo rakaab ahaa ayaa sidan oo kale shil gaari ugu dhintay bishii lasoo dhaafay ee Janaayo, kaas oo ka dhacay meel u dhow magaalada Potosi. Shilalka waddooyinka ee ka dhaca dalkan ayaa sababa dhimashada  1,400 oo qof sannad kasta, iyadoo dalkan ay ku nool yihiin 12 milyan oo qof, sida lagu sheegay xog ay soo saartay dawladda Bolivia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here