Illo goob-joogayaal ah ayaa soo sheegay, in ugu yaraan 40 falastiiniyiin ah ay shalay sabtidii ku shahiideen duqeyn ay Yahuuddu la beegsatay dhismo ay deggan yihiin oo ku yaalla deegaanka Tal Al-Zaatar ee xerada qaxootiga Jabalia, ee waqooyiga Marinka Qaza.
Difaaca Madaniga ah ee Qaza ayaa sheegay, in duqeynta Yahuudda lala beegsaday guri ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah, waxa uu intaa ku daray in wali ay jiraan dad ku xaniman burburka guryaha hoostooda oo ay adag tahay in loo gurmado maadaama aysan jirin gurmadka kooxaha caafimaadka.
Weerarkan ayaa yimid kaddib markii saacadihii lasoo dhaafay uu xasuuq ba’an ka dhacay, deegaano kale oo ka tirsan Marinka Qaza, sida xerada Nuseyrat iyo Khan Yuunis, kaas oo ay ku shahiideen dad badan oo Falastiiniyiin ah.