Dalka Nigeria: ugu yaraan 94 qof oo ku dhintay dab kakacay booyad Shiidaal.

33
0

Warbaahinta dalka Nigeria ayaa sheegaysa in uu  dab kakacay booyad shiidaal, uu sababay dhimashada dad badan oo Naijeeriyaan ah, halka ay ku dhaawacmeen dad kale. kaas oo ka dhacday wadada xiriirisa gobolka Jigawa.

Ugu yaraan 94 qof ayaa ku dhintay ku dhawaad ​​50 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii booyad shidaala oo rogmatay ay ku qaraxday waqooyi-galbeed ee dalka Nigeria, sida ay booliisku usheegeen warbaahinta.

“Dadka ayaa ku yaacay gaariga, kadib markii uu rogmaday  si ay shidaalka ugashubtaan, taas oo sababtay dhimashada dad badan, walina laga cabsi qabo in ay dhimashadu sii badato”  waxaa sidaas warbahinta u sheegay manta Afayeenka booliska dalkaas.

Bishii la soo dhaafay, ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhashay shil ay galeen Booyad shiIdaal iyo gaari kale, oo marayay gobolka Niger ee waqooyiga-bartamaha Nigeria.

Inta badan wadooyinka waaweyn ee dalka Nigeria,  waxaa ka dhaca shilalka gawaarida oo ay dad badan ku geeriyoodaan, iyadoo khubaradu ay sheegeen in qaar badan oo ka mid ah ay sababaan darawalada oo si taxadar la’aan ah u wada gawaarida, iyo wadooyinka dalkaas oo aan dayactirnayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here