Ukraine ayaa maanta sheegtay, in ay soo ridday 40 ka mid ah 50 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn ee Ruushku leeyahay, kuwaas oo soo weeraray dalkaas habayn hore, halka 7 diyaaradood laga waayay shaashadaha Raadaarka, Waxayna intaas ku dartay, in hal diyaarad oo aan duuliye lahayn ay weli ku sugan tahay hawada Ukraine, halka laba diyaaradood oo kale ay dib ugu laabteen Ruushka iyo Belarus.
Ukraine waxay isticmaashaa nidaamyada dagaalka elektaroonigga ah, si ay u jahawareeriso nidaamyada hagidda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo keento inay ka lumaan raadaarka ama ay ka bayraann khadka ay ku socdeen.
Dhinaca kale madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay, in dadaallada ay reer Galbeedku u xusul duubayaan oo ah, in dalkiisa lagaga adkaado dagaalka Ukraine ay tahay mid khayaali ah.
Putin waxa uu carabaabay in reer galbeedku ay doonayaan in ay dalkiisa guuldarro istiraatijiyadeed dhabarka usaariyaan, isaga oo tixraacaya waddamada reer galbeedka ee taageerada milatari la garabtaagan Ukraine.
Waxa uu intaa ku daray, “tani waa xisaab male-awaal ah oo ay u istaagaan, keliya kuwa aan garanayn taariikhda Ruushka iyo midnimadiisa soo taxnaynd tan iyo qarniyo badan.”