Ukraine oo 200 oo Askari looga dilay Gobalka Kursk hal maalin gudaheed.

32
0

Ruushka ayaa ku dhawaaqay khasaaraha ciidamada Ukraine lagu gaarsiiyay manta oo kaliya inuu gaarayo wax kabadan 190 askari, halka uu jiro khasaare maadiya oo aad ubadan.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Ruushaka  ayaa lagu yiri: “Khasaaraha ciidamada Ukraine ee hal maalin gudaheed gaaray, wuxuu gaarayaa dhimashada 200 oo askari, khasaraha maadigana waa 4 baabuur oo kuwa gaashaaman ah.

Dhanka kale, Saraakiisha Ukraine ayaa barta Facebook-ga ku sheegay in howlgalka Kursk uu weli socdo, iyadoo ciidamada Moscow ay sii wadaan adeegsiga bambaanooyinka la hago.

Waxaa xusid mudan in Ukraine ay 6-dii Agoosto ka soo gudubtay xadka gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka, waxayna si degdeg ah u awoodday inay maamusho dhul lagu qiyaasay ilaa 1,300 oo kilomitir oo isku wareeg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here