Ukraine oo Amar ku bixisay in laga guuro Magaalooyin kamida Gobolka Kharkiv.

63
0

Maamulka Ukraine ayaa amar ku bixiyay in laga guuro saddex magaalo oo kuyaaala gobolka Kharkiv ee bariga dalkaas, sababo la xiriira duqaynta halkaas uu kawado Ruushka oo sii xoogaysanaysa, ayadoo ciidamada Ruushku ay habeenimadii xalay weerar  cirka ah ku beegsadeen caasimadda Kiev.

Amarka daad-gureynta oo uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Kharkiv ninka lagu magacaabo  Oleh Sinyhopov, ayuu ku sheegay in ay dadku ka guuraan magaalooyin ay kamid tahay magaalada Kubyansk – oo ah xarun tareen – iyo magaalada Burova ee kutaala koonfurta gobolka Kharkiv, taas oo u dhow magaalada Izyum.

Ciidamada Ruushka ayaa la wareegay gacan ku haynta Kobyansk toddobaadyo ka dib dagaalkii Ukraine ee bishii February 2022, laakiin ciidamada Ukraine ayaa dib u qabsaday dabayaaqadii sanadkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here