Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine Andriy Ssibha ayaa ka codsaday wadamada reer galbeedka, inay siiyaan 19 nidaam oo ah nidaamyada difaaca hawada oo dheeraad ah, si loo ilaaliyo xarumaha waawayn ee tamarta dalkiisa iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee uu Rushku ku hayo beegsiga joogtada ah.
Tani waxay ku soo beegantay hadal uu shalay Arbacadii warfidiyeenada u jeediyay Xoghayaha Guud ee NATO ninka lagu magacaabo Mark Rutte, wuxuuna hadalkan ka sheegay kulan wada tashi ah oo ay yeesheen wasiirada arrimaha dibada ee ururka NATO.
Codsigan ayaa imaanaya kaddib markii shalay ay Ukraine sheegatay, in ciidamadeedu ay iska caabiyeen isku daygii Ruushka ee uu ku doonayay in uu kaga gudbo wabiga Oskil, kaas oo in muddo ah uu kasocday dagaal qaraar oo u dhaxeeya Ukraine iyo Rushka.