Dowladda Yukrayn oo weeraro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ku qaaday qaar ka mid ah gobolada Ruushka oo ay ku jirto caasimadda dalkaas ee Moscow.
Duqeynta ayaa sababtay in la hakiyo qaar ka mid ah duulimaadyada diyaaradaha gaar ahaan duulimaadyada Kazan iyo Moscow.
Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ay soo riday kudhawaad 144 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine kuwaas oo dul heehaabayay 9 gobol oo katirsan dalka Ruushka.
Duqeynta waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana la soo warinaaya in 1 qofo dumar ah ay ku dhimatay sidoo kale ilaa 3qof oo kale ay ku dhaawacmeen duqeymaha Yukrayn.