Sarkaal ka tirsan Ciidanka Badda Madow ee Ruushka, ayaa subaxnimadii Arbacada lagu dilay qarax bambaano oo baabuur lagu soo xiray, kaas oo maryay Jasiiradda Crimea, weerarkan Masuliyadiisa waxaa sheegtay Laamaha Amaanka ee Ukraine, Jaziiradan uu qaraxu ka dhacay waxaa ka ariminayay maamulka Moscow ayagoo qabsaday sanadkii 2014-kii.
Illo ammaanka Ukraine ka tirsan oo warbaahinta lahadlay ayaa yiri, “Kiev waxa ay fulisay hawlgal gaar ah oo lagu guulaystay, kaas oo lagu khaarajiyay sarkaal ka tirsan saraakiisha ka hawlgala marakiibta Badda Madow ee Ruushka,” isaga oo intaa ku daray in sarkaalku yahay Dambiile dagaal oo masuul ka ahaa gantaallada loo adeegsado bartilmaameedyada rayidka ee Ukraine.
Dhanka kale Masuul u hadlay maamulka Moskow ayaa sheegay, in howlgalkaasi uu sababay dhimashada ninka lagu magacaabo Valery Trankovsky, oo ahaa kabtanka ciidamada badda ee Ruushka, kaasoo taliye u ahaa taliska guud ee guutada 41-aad ee gantaalada ku qalabeysan maraakiibta badda madow.
Ruushka ayaa adeegsanaya maraakiibta dagaalka ee ku sugan badda madow iyo sidoo kale duqeymo istaraatiiji ah, si ay weeraro gantaalo ah ugu qaadaan bartilmaameedyada Ukraine, halkaasoo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen boqolaal rayid ah.