Ukraine ayaa ku dhawaqday in ay gacanta ku dhigtay Labo askari oo u dhashay dalka Kuuriyada Waqooyi xilli ay ciidamada Ruushka kula dagaallamayeen gobolka Kursk, halka ciidamada Ruushka ay xaqiijiyeen in ay waqooyi-galbeed kaga soo wajahan yihiin magaalada Kurakhov ee gobolka Donetsk ee bariga Ukraine, kaddib markii ay la wareegeen gacan ku haynta qaar kamida deegaanada gobalkaas.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Labada maxbuus ee Kuuriyaanka ah la keenay caasimadda Ukraine ee Kiev, isagoo xusay in gargaarka caafimaad ee lagama maarmaanka ah la siiyay labadan askari.
Waxaa xusid mudan in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu saxiixay heshiis istiraatijiyadeed oo dhammaystiran oo dhex maray Moscow iyo Pyongyang intii lagu guda jiray booqashadiisa Waqooyiga Kuuriya bishii Juun ee la soo dhaafay.
Heshiisku waxa uu dhigayaa in la iska kaalmeeyo milatariga labada dhinac haddii la weeraro labada wadan mid kamida, tan ayaana la sheegayaa in ay kadambayso ciidamada kuuriyaanka ah ee lagusoo daabulay furimaha dagaalka ee Ukraine.
Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, aqalka cad ee Mareykanka ayaa ka hadlay inay jiraan ciidamo Kuuriyaan ah oo tiradooda lagu sheegay illaa 3 kun oo askari, kuwaas oo ku sugan gudaha Ruushka, si ay uga qaybqaataan dagaalka Ukraine, waxaana loo badinayaa in qaar ka mid ah askartan la geeyay gobolka Kursk ee Ruushka.