Ukraine oo Tobanaan Diyaarado aan Duuliya lahayn ku Weerartay Caasimadda Ruushka.

29
0
Dhisme ku yaalla degmada dhaqaalaha ee Moscow ayaa waxaa weeraray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine.

Duqa magaalada Moscow Sergei Sobyanin ayaa sheegay, in weerar ba’an oo ay fuliyeen tobanaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay habeenkii isniinta la beegsadeen caasimadda Ruushka ee Moscow.

Duqa magaalada ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay Telegram “Difaaca hawada ayaa sii wada inay iska caabiyaan weerar ballaaran oo ay geystaan ​​diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee cadawga oo bartilmaameedsanaya Moscow,”, isaga oo intaa ku daray, in ugu yaraan 58 diyaaradood oo aan duuliye lahayn ay ku sii jeedeen caasimadda Ruushka.

Duqa magaalada Moscow ayaa intaa ku daray, in cutubyada difaaca cirka ay burburiyeen ugu yaraan 11 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ku sii jeeday Moscow, halka maamulka duulista hawada uu ku dhawaaqay, in la hakiyay duullimaadyadii labada garoon ee magaalada u adeegaya, kadib markii ay soo baxeen warbixino ku saabsan weerarro la filayo oo ka yimaada dhanka Ukraine.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmayo, iyadoo saacado ka hor wadahadal magaalada Jiddah ee Sucuudiga uu ku dhex maray wufuud ka kala socotay Ukraine iyo Maraykanka oo ku saabsan dagaalka Ukraine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here