Warbaahinta Alqaacidada dalka Yeman ee Al-malaaxim ayaa faafisay magaca iyo muqaalka dagaal yahankii isku qarxiyay saldhig ay gobolka Abyan kaga sugnaayeen Murtazaqada Imaaraatka Carabta.
Dagaal yahanka is qarxiyay ayaa lagu magacaaba “Abuu Ghaanim Al-ibbi” wuxuu ahaa naftii hurihii dhawaan weerarka ku qaaday saldhig ay gobolka Abyan kaga sugnaayeen maleeshiyaatka murtazaqada ah ay tababarto dowlada Imaaraatka Carabta.
Sidoo kal, dagaal yahanka Abuu Ghaanim Al-ibbi ayaa ugu baaqay dhamaan askarta Alqaacida in ay xoogga saaraan weerarada isqarxinta ah; asagoo ku tilmaamay in ay yihiin weeraro aad u xanuujiya cadowga. Asagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri Abuu Ghaanim Al-ibbi waydiiya Mareykanka, Ingiriiska iyo gumeystaha Yahuuda xanuunka iyo halista ay leeyihiin weerarada isqarxinta ah.
Weerarkaas waxaa ka dhashay khasaaro soo gaaray maleeshiyaatka la weeraray oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac 50 askari iyo burbur gaadiid faro badan oo nuuca dagaalka ah.