Urur Weynaha Alqaacida oo Weerar Dhiig Badan uu ku Daatay ka Fuliyay wadanka Burkiina-Faaso + Sawirro.

57
0

Weerar Kamiin ah oo cutubyo katirsan jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ee katirsan urur weynaha Alqaacida ay ka fuliyeen wadanka Burkiina-Faaso ayaa lagu laayay askar katirsan ciidanka dalkaasi.

weerarka ayaa ka dhacay inta udhaxaysa deegaanada Faadaa iyo Buunaguu ee dalka Burkiina-Faaso.

Khasaaraha weerarkaas ka dhashay ayaa gaaraya dhimashada 141 kamid ah  ciidanka Burkiina- Faaso.

Sidoo kale, waxaa lagu gubay weerarkaas ilaa iyo 116 gaari oo ay wateen ciidamada Burkiina- Faaso.

Ciidamada jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaa howlgalkaan ku qabsaday 20 gaari oo nuuca dagaalka ah iyo hub faro badan. 

Xasuuqaani loo geestay ciidanka dowlada Burkiina-Faaso ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo bishii lasoo dhaafay weerar kamiin ah oo ka dhacay xuduuda udhaxaysa wadamada Maali iyo AL-Jazaa’ir lagu dilay 50 kamid ah calooshood-ushaqeestayasha Fagnar ee dowlada Ruushka iyo 60 katirsan dowlada dalka Maali.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here