Ururka Al-Qaacida ee Jaziiratul-Carab Ayaa Ka Hadlay Masaa’ibta Rabbaaniga ah ee uu Allaah ku Saliday Mareykanka.[Bayaan]

49
0

Mu’assasada warbaahineed ee Al-Malaaxim oo ku hadasha afka ururka AlQaacida ee Jaziiratul Carab, ayaa baahisay bayaan looga hadlay, masaa’ibta Rabaaniga ah ee uu Allaah ku salladay dowladda dulmiga badan ee Maraykanka.

Bayaankan oo ciwaan looga dhigay “ Qabashada xanuunka badan ee Maraykanka” waxaa la isku dul taagtay, dabka weli ka holacaya gudaha dalka Maraykanka, kaasoo dhaliyay khasaare isuga jira dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh.

“ Caalamka oo idil wuxuu arkay waxa ku habsaday shacabka Maraykanka, oo uu dab xoogan ka kacay qaar kamid ah gobollada dalkaas, waxaana dowladan ku tallaasatay horumarka maadiga ay hadana awoodi weysay iney hakiso dabka, Trump-ka la doorta ayaana sheegay in dowladiisu aaney heynin xeelad iyo tallaab ay kaga damin karto dabka, hadalkan ayuuna jeediyay saacado un kadib markii uu reer Qazza ugu goodiyay inuu Jaxiimo ka dhigayo halkaas haddii aan lasii deynin maxaabiistooda qurunka ah” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay AlQaacidada Jaziiratul Carab.

Isagoo sii socda bayaanka waxaa lasii raaciyay “ Tobanaankii sano ee lasoo dhaafay, waxa uu Maraykanku ku talaxtagay dulmiga iyo xadgudubka, dulmigiisana wuxuu gaaray guud ahaan qaaradaha dunida, qof kasta oo xor ah oo dulmi diidna ah wuu la sugayay Maryakanku in masaa’ibtan oo kale ay ku dhacdo, anaguna haddii aan nahay Muslimiinta waqti dheer ayaanu la sugeynay Maraykanka inuu Alle ku asiibo cadaab gacmaheenna ku gaara ama isaga xagiisa ka yimaada, cadowguna wuxuu nala filayay inaan ka baxno diinteena, oo aanu u hogaansanno iyaga, waxaana dhab noqday wixii aan anagu la sugeynay Maraykanka” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay AlQaacidada Jaziiratul Carab.

“ Muuqaallada dabka ka holacaya Maraykanka, oo ah taageeraha Sahaayinada, waa in qofka muslimka ah uu ku tadaburaa, aadna ugu kuur galaa, waana qeyb yar oo kamid ah masaa’ibta aan la sugeyno in Umadaha gaalada ah iney ku dhacdo, waxay la dagaallameen Allaah, Rasuulkiisa iyo Mu’miniinta, jaraa’imta ugu weyn ee ay geysteenna waxaa kamid ah iney Yahuudda ku taageeraan gumaadka Qazza. Allaah wuxuu yiri:-“

Waxaa uu intaa kusii daray bayaanka kasoo baxay ururka AlQaacida ee Jaziiratul Carab “ Musiibada ku dhacday Maraykanka, waa cuquubo uga timid xaga Allaah, oo kafaalo qaaday inuu difaacayo Mu’miniinta, wuxuu Alle dabkaasi ku burburiyay guryaha Ameeriaanka iyadoo aan loo baahan diyaarado drones ah iyo qaraxyo waaweyn, kumanaan ruux oo Ameerikaan ahna waxay ka barakaceen guryahooda iyadoo aan loo baahan weeraro xoog kugal ah oo ay fuliyaan Mujaahidiinta, Allaah wuxuu yiri:-

Majirto, awood aan ahayn awoodda Allaah, taageerada malaayiinta dollar ee ay siinayaan Yahuudana kama dheefi doonaan waxaan qoomamo ka ahayn, Allaah wuxuu yiri:-“

Isagoo sii socda bayaanka waxaa lagu yiri “ Umadeena muslimadda ah oo idil, iyo cid weliba oo qalibigiisu la gubtay jaraa’imta Maraykanka ee AFqaanistaan, iyo cid weliba oo la ooysay sawiradii laga soo qaaday xabsiga Abuu Ghureeb, iyo qof weliba oo daawaday gumaadka Maraykanku ka geystay Soomaaliya, hooyo weliba iyo haweeney kasta oo ay gabalamiyeen Ameerikaanka, iyo agoon weliba oo aabihiisa ku waayay duqeymaha Maraykanka ee Waziiristaan, Yemen, Shaam iyo Soomaaliya, iyo walaalaheena dhaawacan ee reer Filastiin, xaq ayaad u leedihiin iney laabtiinu bogsooto, oo aad ku faraxdaan cadaabka gaalada gaaray” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Mujaahidiinta AlQaacida ee Jaziiratul Carab, kaasoo looga hadlay dabka ka holcaya Maraykanka.

Qeybaha dambe waxaa bayaanka farriin loogu diray dadka Ameerikaanka ah, waxaana lagu yiri “  Dowladiina waxaa ku marqaati furay dadka insaafka leh ee idin ka dhashey, waxayna ku tilmaameen iney tahay dowlad gaboodfallo u geysaneysa dadka abriyada ah ee reer Filastiin, sii socoshada jaraa’imta ay geysaneyso dowladiina waxaa cawaaqibteeda ka arki doontaan naftiina iyo hantidiina”.

Kudhawaad bil xiriir ah, waxaa dalka Maraykanka gaar ahaan gobolka California ka socda, dab xoogan oo dhaliyay waxyeello isuga jirta dhimasho, dhaawac iyo burburka guryaha, waxaana dowladda Maraykanku sheegtay ineysan awoodin iney ka hortagaan dabka.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay dabka ka socda Maraykanka 26 ruux, halka lagu la’yahay 16 kale, iyadoo ay sii dheertahay inkabadan toban kun oo ruux oo la xanuunsan cuduro ay ka qaadeen holaca dabka, halka ay burburaan kumanaan guryo ah, waxaana khasaaraha maaliyadeed ee gaaray Maraykanka lagu qiyaasay inkabadan 240 bilyan oo doollarka Maraykanka.

Hay’adda Musiibooyinka Maraykanka ayaa horey u sheegtay in dabka ka holcaya California aanan lagu damin karin biyo lagu shubay, waxa keliya ee damin karana ay tahay roob cirka ka yimaada, tanina waa mid ka tarjumeysa dacfiga basharka, marka loo barbar dhigo awoodda Rabaaniga ah ee Allaah Subxaanahu wataacalaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here