Hoggaamiyaha kooxda kurdida ee PKK, Cabdalla Öcalan ayaa shalay Khamiistii ku dhawaaqay inuu kooxdiisa kala diray, nabadna ay qaateen, si ay u ilaaliyaan nabad galyada dalka Turkiga.
War-saxaafadeed rasmi uu soo saaray hogaamiyahan ayuu ku sheegay inay kooxdiisa nabad qaadatay, isagoo ugu baaqay PKK inay hubka dhigto oo la kala diro dhammaan dagaallamayaasha kooxda, xilligana ay hab wada-xaajood nabadeed ku raadinayaan xuquuqda ay tirsanayaan inay ka maqantahay bulshada Kurdida ee Turkiga.
Inta badan ururrada kale ee kurdida ku kala qeybsan dalalka bariga dhexe ayaa go’aankan soo dhaweeyay, halka hoggaamiyayaasha PKK ay ku dhawaaqeen inay billaabayaan fulinta baaqa ka soo baxay hoggaamiyahooda sare, Cabdalla Öcalan oo xabsi ku yaalla Turkiga ku xiran tan iyo sannadkii 1999-kii.