Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay Labo ilood oo dhanka ammaanka Lubnaan ah, oo ay ku tilmaantay inay yihiin kuwa sare, waxay sheegeen in xalay habeenimadii ay Xisbullaah tiro yar oo ciidankeeda kamida u dirtay dalka Suriya, ujeeddadeeduna tahay, inay ka hortagto dagaalyahannada mucaaradku, inay qabsadaan magaalada istiraatiijiga ah ee Xims.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Suuriya oo xiriir dhow la leh xukumada Iran ayaa sidoo kale wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in ciidamo yar oo katirsan kooxda Xisbullaah ay habeennimadii xalay ka soo gudbeen xadka Lubnaan ay la wadaagto Suriya, kuwaas oo fariisimo ka sameystay magaalada Xims.
Ururkan shiicada ah ee Xisbullaah ayaa wajahaya duulaan balaaran oo uga imaanaya dhanka Yahuudda, haatana mudo kabadan Labo bilood kula jiray Yahuudda dagaal furan, teegaarada ay siinayso nidaamka Bishaar ayaana ah mid aan tabar lahayn maadaama Ururku uu ku jiro dagaal adag.