Hay’adda gurmadka dagdagga ee Yahuudda ayaa sheegtay, in 7 qof oo dhaawac ah loo qaaday isbitaallada subaxnimadii hore ee maanta, kadib markii uu gantaal ku dhacay magaalada Tira ee bartamaha dhulka Falastiin ee gumaysiga ku jira. Balse qaar kamid ah warbaahinnada Sahaayinada ayaa kusoo waramaya in tirada intaas ay kasii korortay, iyadoo illa iyo hadda la Xaqiijayay dhaawaca 19 ruux.
Dhanka kale, ciidamada Yahuudda ayaa sheegay, inay la socdeen 3 gantaal oo laga soo riday dalka Lubnaan, kuna soo wajahnaa magaalada Tel Aviv iyo agagaarkeeda, waxayna sheegeen in qaar kamid ah gantaaladaas ay qabteen.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan dalka Lubnaan, waxaana sii xoogaystay iska hor imaadyada u dhaxeeya ciidamada Yahuudda iyo ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan.