Ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan ayaa bayaan uu soo saaray maanta ku sheegay, inay markii ugu horreysay weerar loo adeegsady diyaarad aan duuliye lahayn ku baagsadeen saldhigga ciidammada badda ee Ashdod ee ku yaalla koonfurta dhulka Falastiin ee gacanya Yahuudda ku jira, Ciidamada Sahaayinada ayaanan weli ka hadlin weerarkaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Ururka Xisbullah ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday, in ay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn la beegsadeen bartilmaameedyo millatari oo ku yaalla magaalada Tel Aviv, Xisbiga ayaana sheegay in howlgalka Tel Aviv uu gaaray hadafkii laga lahaa, iyadoo aan la sheegin nooca bartilmaameedka militari ee la beegsaday.
Yahuudda ayaa sii ballaarisay dagaalka ay ku hayso Lubnaan toddobaadyadii la soo dhaafay, waxayna dishay hoggaamiyeyaal sare oo badan oo ka tirsan kooxda Xisbullaah, halka xizbugu uu qudhiisa dardar galiyay weerada uu ka gaysanayo saldhigyada iyo xarumaha ay ku sugan yihii ciidamada Yahuudda.