Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay, in ay beegsadeen saldhig ay ciidamada Yahuudda ku leeyihiin meel u dhow magaalada Talaabiib.
Bayaan uu soo saaray Ururka ayaa lagu sheegay in galabnimadii shalay, weerar loo adeegsaday gantaalla ay ku garaaceen saldhigga Glilot oo hoostaga qaybta sirdoonka milatariga Yahuudda, saldhigaas oo ku yaalla duleedka magaalada Talaabiib .
Ururka ayaa sheegay in weerarkaan uu jawaab u yahay xasuuqa ay Yahuuddu ka waddo gudaha Lubnaan. Waxayna sidoo kale sheegeen inay ugu aargudayaan, xoghayihii guud ee ururka Xasan Nasrullah, oo lagu dilay weerar ay Yahuudda ka fulisay duleedka koonfureed ee Bayruut 27-dii Sebtembar.
Dhanka kale Ciidanka Yahuudda ayaa sheegay in qaar ka mid ah madaafiicda la qabtay, halka inta kalena ay ku dhaceen goobo banaan ah.