Gumaystaha Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay duqeyn ku dileen hoggaamiyihii ugu sareeyay ciidamada Xisbullah Fu’aad Shukri.
Duqeynta lala beegsaday Fu’aad Shukri ayaa ka dhacday duleedka koonfureed ee magaalada caasimada ah ee Bayrut fiidnimadii xalay.
Fu’aad Shukri waxa uu ku dhashay sanadkii 1962 magaalada “Nabi Sheet”, ee dhacda mandiqadda Bacalabek ee dalka Lubnan, waxaana lagu naaneesa “Xaaji Muxsin.”
Fu’aad Shukri waxa uu xubin firfircoon ka ahaa ururka Xizbullah muddo 40 sano ah.
Tababarkiisa ciidannimo waxa uu ku soo qaatay jaamacada Imaam Xuseen ee magaalada Tehran.
“Fu’aad Shukri” ayaa lagu sheegay in uu yahay gacanta midig ee hoogmiyaha ururka Xizbullah ee Nasrallah.
“Fu’aad Shukri” waa taliyaha ugu sareeya ee militariga ururka Xizbullah sidoo kale waa kaaliyaha hoogmiyaha ururka Xasan Nasrallah.
“Fu’aad Shukri” ayaa mas’uul ka ah inta badan xarumaha lagu hormariyo hubka casriga ee ururka Xizbullah sida sawaariikha iyo diyaaradaha aan duulliyaha leheen ee Drons ta.
Maxaa ka naqaana howlgallada militari uu qaybta ka ahaa abaabulkooda Fu’aad Shukri?
Fu’aad Shukri wuxuu ka qeyb qaatay qorsheynta iyo fulinta qaraxyadii lala beegsaday saldhigyada ciidamada Mareykanka iyo Faransiiska ee ku lahayeen caasimada dalka Lubnan ee Beyrut, qaraxyadaas oo dhacay 23-kii Oktoobar 1983-kii, weerarkaas ayaa sababay dhimashada 241 askari oo Mareykan ah iyo 58 askari oo Faransiis ah.
Kadib weerarkaas Fu’aad Shukri ayaa noqday mid u dhow Cimad Mugniyah oo ahaa taliyihii guud ee ururka Xizbullah.
Sannadkii 2017-kii, dowlada Maraykanka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan 5-milyan oo doollarka Maraykanka ah u ballan qaaday ciddii keenta xog lagu soo qaban karo Fu’aad Shukri.
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa xilligaas sheegtay in abaalmarintan ay tahay “tallaabo cusub oo lagu kordhinayo cadaadiska Xisbullah iyo madaxdeeda.”
Sidoo kale, Cidamada gumaystaha Israa’iil ayaa sheegay in Fu’aad Shukri uu si toos ah ugu lug lahaa qaadashada meydadka saddex askari oo ka tirsana militariga Israa’iil kuwaas oo lagu dilay howlgal ay Xisbullah ka fuliyeen xadka beenaadka Falastiin iyo Lubnaan u dhexeeya 7-dii October 2000.
Fu’aad Shukri ayaa sidoo kale ku lug lahaa xasuuqa ay maleeshiyaadka Xizbullah ee shiicada ah u gaysteen shacabka muslimka ah ee reer Suuriya.