Waa Kuma Ibraahim Caqiil oo Lagu Dilay Duqeyn ka Dhacay Duleedka Koonfureed ee Magaalada Beyruut.

71
0

Ibraahim Caqiil oo sidoo kale lagu magacaabi jiray “Taxsiin” ayaa maalintii shalay oo (Jimce) ahayd lagu dilay weerar ka dhacay duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut.

Ibraahim Caqiil ayaa ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee kooxda Xisbullah. 

Caqiil ayaa la dilay xilli uu shir la lahaa hogaanka ugu sarreeya guutada ciidamada Radwaan; waxaana lala dilay dhamaan sarakiishii iyo askartii la joogtay goobta uu ka socday shirka.

Caqiil ayaa ahaa madaxa waaxda hawlgallada gaarka ah ee kooxda Xisbullah, sidoo kale waxaa uu mas’uul ka ahaa ciidanka Radwan.

Hogaamiye Caqiil waxaa uu qayb ka ahaa abaabulka weerarkii lagu qaaday safaaradda Maraykanka ee caasimada dalka Lubnan ee Beyrut sanadkii 1983-kii.

Weerarka safaarada Mareykanka lagu qaaday waxaa ku dhintay ugu yaraan 63 qof oo Ameerikaan ah.

Ka dib weerarka safaarada Mareykanka lagu qaaday Ibraahim Caqiil waxa uu bartilmaameed u noqday dowlada Mareykanka.

Xukuumada Washington waxa ay Ibraahim Caqiil ku tilmaantay in uu yahay argagaxiye caalami ah waxayna u qoondaysay abaal-marin gaaraysa 7 milyan oo doolar cid kasta oo keenta xog lagu dili karo ama lagu soo qaban karo.

Ibraahim Caqiil oo ahaan jiray ninka sadexaad ee ugu sareeya kooxda Xisbullah ayaa dhawaan noqday ninka labaad ee ugu sareeya kooxda kadib markii uu qabtay xilkii laga dilay 30kii – bishii Luulyo – 2024 hogaamiye Fu’aad Shukri oo lagu dilay duqeyn ka dhacday koonfurta magalada Beeyruut.

Kooxda Xisbullah ayaa sidoo kale xasuuq iyo barakacin u gaysatay shacabka reer Suuriya ayagoo aan kala soocin caruur, haween iyo waayeel intaba.

Sarakiisha kooxda Xisbullah uu ka midka yahay hogaamiye Ibraahim Caqiil ayaa ku lug lahaa xasuuqyo ay kooxdu u gaysatay muslimiin badan oo ku nool Lubnan, Ciraaq iyo Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here