Ismaaciil Haniya waxa uu dhashay sanadkii 1963-kii. Waxa uu ku dhashay Xerada Sheeti ee Qaxoontiga Falastiiniyiinta, oo ku taalla Waqooyi-galbeed ee magaalladda Gaza.
Ismaaciil Haniya waxa uu shahaado Jaamacadeed ka qaatay takhasuska luuqada Carabiga, asagoo ka qalin jabiyay Jaamacadda Islaamiga ah ee Gaza.
Ismaaciil Haniya markii uu dhameeyay jamaacadda waxa uu si toos ah u bilaabay dhaqdhaqaaqiisa Siyaasadeed ee uu kaga hortagayo gumaystaha Yahuuda, waxa uu xubin firfircoon ka noqday dhaqdhaqaaqa Xamaas.
Haniya waxa uu caan noqday markii uu ka qayb qaatay kacdoonkii ugu horeeyay ee Falastiiniyiinta, kaas oo bilaabmay sanadkii 1987-kii waxa uu socday ilaa 1994-kii, xiligaas waxa uu ka mid ahaa Ismaaciil Haniya hogaanka da’da yar ee Xamaas.
Gumaystaha Israa’iil ayaa xabsiga dhigay Haniya markii ugu horreysay sannadkii 1987-kii muddo ku dhow bil, waxaana markii labaad la xiray sannadkii 1988-kii muddo lix bilood ah.
Kadib Haniya ayaa markale galay xabsiyada gumaystaha Israa’iil sanadkii 1989-kii isagoo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay xarkadq Xamaas, halkaas oo uu saddex sano ku qaatay xabsiga gumaystaha Yahuuda.
Intaas ka dib gumaystaha Israa’iil waxay u masaafuriyeen Haniya xerada “Marj al-Zuhur” oo ku taal koonfurta Lubnaan sannadkii 1992, isaga iyo 400 oo xubnood oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Xamaas.
Haniya waxa uu dib ugu laabtay magaalada Gaza ka dib markii uu muddo sanad ah musaafuris ku maqnaa, waxaana uu madax ka noqday Ururka Islaamiga ah ee Jamaacada Islaamiga ah ee Gaza. Sawirka, Haniya oo isku duubaya hooyadii ka dib markii uu ka soo laabtay Marj al-Zuhur 1993.
Sanadkii 1997-kii Haniy waxa uu agaasime ka noqday xafiiska aas-aasihii xarakada Xamaas, Sheekh Axmed Yaasiin.
Haniya waxa uu qayb ka qaatay dhismaha xukumada Xamaas ee magaalada Gaza sandkii 2006-dii.
Intii u dhexeeysay 2007 ilaa 2017-kii waxaa uu soo noqday Ismaaciil Haniya hogaamiyaya Xarakada Xamaas ee magaalada Gaza iyo ku xigeenka maktabka siyaasadda ee Xarakada Xamaas.
Sandkii 2017-kii waxa uu noday madaxa xafiiska siyaasadda ee xarakada Xamaas.
Sanadkii 2018-kii dowlda Mareykanka ayaa ku dartay Ismaaciil Haniya liiska waxa loogu yeero argagixisada.
30-July-2024 waxaa lagu dilay Ismaaciil Haniya duqeyn ay caasimadda Iran ee Tehran ka fuliyeen gumeystaha Yahuuda.