Waa kuwee Dalalka ugu Caansan ee laga keeno Hubka lagu Xasuuqayo reer Qaza? Warbixin.

49
0

Websaydhka laga leeyahay Faransiiska ee “Ouest France” ayaa daabacay warbixin dib u eegis ku samaynaysa dalalka ugu muhiimsan ee hubka siiya Yahuudda.

Mareekanka

Waa masdarka ugu weyn ee ay Yahuuddu  ka hesho hubka   sida laga soo xigtay Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm, intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2022,  Maraykanku wuxuu bixiyay 69 boqolkiiba hubka ay soo dagsatay sahaayinada.

Hubkaasna waxaa kamid ah diyaarado, bambooyinka nooca la hago, iyo gantaallo, sida laga soo xigtay isla machadka, Yahuudda waxa ay Maraykan ka sugaysay 61 diyaaradood dhammaadkii sanadkii 2023.

Sannadkii hore, Maraykanku waxa uu siiyay  Sahaayinada 2,000 oo gantaalaha lidka taangiyada ah iyo 25 diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaanno F-35, Intaa waxaa sii dheer in uu hub usoo iibiyay Yahuudda.

Yahuudda waa maamulka ugu badan ee gargaarka dibadda ah, ka hela Maraykanka tan iyo dagaalkii labaad ee Adduunka

Jarmalka

Websaydhka Ouest France wuxuu sheegay, isagoo soo xiganaya Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm, in Jarmalka uu bixiyay  boqolkiiba 30 dhammaan hubka ay soo dajisato Yahuudda.

Sannadkii hore sida laga soo xigtay Wasaaradda Dhaqaalaha ee Jarmalka,  Jarmalku waxa uu Sahaayinada  u dhoofiyay hub qiimihiisu dhan yahay 327 milyan oo Yuuro ah.

Machadka ayaa intaa ku daray in ay Yahuudda ka sugaysay Jarmal dhamaadkii sannadkii hore in ay ka hesho 4 markab oo kamid ah kuwa badda quusa, halka afar markab oo Jarmal ah la keenay isla sanadkaas.

Talyaaniga

Sida laga soo xigtay BBC, Talyaanigu waxa uu daboolay boqolkiiba 0.9  badeecadaha ay Yahuudda soo dajisato  intii u dhaxaysay 2019 illaa  2023, marka la barbar dhigo muddada u dhaxaysa 2009 illa  2018, wax soo dejinta ayaa gaaraysa 5.9 boqolkiiba.

Sida laga soo xigtay majaladda “Alter Economia”,  Talyaaniga waxa uu udhoofiyay Yahuudda hub qiimihiisu yahay 1.3 milyan oo Yuuro ah December 2023.

Faransiiska

Marka loo eego warbixinta sanadlaha ah oo ka hadasho dhoofinta hubka ee ay soo saarto Wasaaradda Ciidamada Qalabka Sida ee Jarmalka,   waxaa  lagu sheegay July 2024, in Faransiisku ka iibiyay Yahuudda qalab milatari oo qiimahiisu dhan yahay 211.7 milyan oo Yuuro  ah sanadkii 2014, Waxaa kale oo uu ka iibiyay 25.6 milyan sanadkii 2022 iyo 19.9 milyan  sanadkii 2023.

Waxaa xusid mudan in  ay yahuudda aad ugu tiirsan tahay soo dejinta hubka iyo qalabka milatari  gaar ahaan ciidamadeeda cirka, oo ay inta badan ka hesho Maraykanka, Jarmalka iyo Talyaaniga, waxaa kale oo jira dalal ay kamid yihiin  Imaaraatka iyo Turkiga oo iyagana taageero iyo tabantaabinba la garabtaagan maamulka Yahuudda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here