WAA KUWEE SALDHIGYADA SAAKA WEERARKA CULUS LA KULMAY?

167
0

 

Saaka oo ah subaxnimo Isniin ah, waxa uu ku waabiraystay gobolka Jubbada Hoose, dagaal aad u culus oo bilowday Salaad subaxii ka hor waxa uu dagaalka soo gaaray subaxnimadii hore ee maanta.

 

 

 

 

Waa Kuwee Saldhigyada Weerarka La Kulmay?

Saaka dagaalada xoogooda ayaa ka dhacay ilaa iyo 3 saldhig oo ay saldhiyo waa wayn ay ku lahayeen ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland.

Saldhiyada weerarada la kulmay ayaa dhamaantood kuyaalay gobalka Jubada Hoose ee Konfurta dalka Soomaaliya, waxa uu dagaalkaan ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu xoogana ee dalka Soomaaliya ka dhaca sanadkaan 2024.

Maxaa kala soconaa halka ay ku yaalaan saldhigyada la weeraray?

Saldhigyada weerarada culus la kulmay ayaa kala ah:

1-Saldhigga ciidamada dowlada ay ku leeyihiin deegaanka Xarboole oo 90-KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

2- Saldhiga ciidamada dowlada ay ka sameysteen deegaanka Buuloxaaji oo 80 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

3- Saldhiga ciidamada dowlada ay ka sameysteen deegaanka Medo oo 95 KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Saldhiyada la weeraray waxaa ku sugnaa sidaa warar madax banaan aan ku helayno in ka badan 2500 oo askari oo isugu jira ciidamada DF ka Soomaaliya, kuwa Jubbaland iyo kuwa deegaanka.

Waxaa la soo warinaaya in khasaaro xooggan uu ka dhashay dagaalka saaka ka dhacay Jubbada Hoose, sida ay ku soo waramayaan dadka dagan deegaanada uu dagaalku ka dhacay, waxaa u suurta gashay in ciidamada Al-shabaab ay la wareegeen saldhiyadii lagu dagaalamay.

Dhanka kale, warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada Al-Shabaab ayee ku sheegteen in ay dagaaladii saaka dhacay ay ku dileen in ka badan 71 askari sidoo kale ay la wareegeen hubkii, gaadiidkii iyo saanadii ciidan, ee taalay sedexda saldhig ee weerarka la kulmay.

Wixii soo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa Insha Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here