Waa Maxay Duruusta iyo Cibarka uu Hogaamiyaha Muslimka ah Kala soo Bixi Karo Dagaalkii Badar. ( Taqriir)

17
0

Subaxnimo Jimce ah taariikhduna ku beegnayd,  17-ka bisha Ramadaan sannadkii labaad ee Hijriga, waxaa dhacay dagaalkii Badar, kaas oo ahaa mid ka mid ah dagaalladii ay ka qayb-galeen Nebi Muxamed (N.N.K.H) iyo asxaabtiisii. Waxayna ahayd dhacda uu Allaah ku kala saaray xaqqa iyo baadilka, guul weyna u ahayd Muslimiinta.

Ghazwadani ayaa waxa lagu magacaabaa “Dagaalkii Badar” “Dagaalkii Badar ee weynaa” iyo “maalintii kala baxa”, waa dagaal dhex maray Muslimiintii oo uu hoggaaminayay Nebi Muxamed (N.N.K.H) iyo Kufaaru Qureysh iyo xulafadeeda oo uu hoggaaminayey Abuu Jahal.

Dagaalkii Badar ayaa lagu tiriyaa macrikadii ugu horraysay ee kala saartay Muslimiinta iyo kufaaru Qureysh, waxaana loogu magac daray mandiqada Badar ee uu dagaalku ka dhacay. Badarna waa ceel caan ah, oo ku yaalla inta u dhaxaysa Makka iyo Madiina.

Sababta ugu weyn ee keentay inuu dhaca dagaalkan ayaa ahayd, in Nabiga iyo qaar ka mid ah asxaabtiisa ay ubaxeen inay gacanta ku soo dhigaan safarkii qureysh oo ka soo laabtay Shaam una socday Makka, kaas oo uu hogaaminayay Abuu Sufyaan, ayna ilaalo u ahaayeen ciidan gaarayay 40 dagaalyahan, balse Abuu Sufyaan oo aad u digtoonaa ayaa ka badbaaday kamiinkaas, kadib markii uu ka leexday wadadii ay ku sugayeen ciidanka Muslimiinta, taas oo marta Ceelka Badar.

Abuu Jahal oo ahaa abaanduulihii kufaaru Qureysh ayaa markii uu maqlay inay soo badbaaday kolonyadii Abuu Sufyaan, waxa uu wacad ku maray, inuu tago Ceelka Badar, uuna Seddax maalmood ku geel qasho, khamrana ku cabo, gabdhahana ay ugu heesaan, warkiisana uu gaaro carab oo dhan.

Waxa uuna kusoo weerar tagay ciidanka gaaraya Kun, kuwaas oo watay Boqol Faras iyo Lix Boqol oo canbuur-bireed, waxaa kale oo ay wateen geel aad u farabadan, iyagoo halkii maalin qalanayay 9 illaa 10 neef oo geel ah.

Geesta kale, ciidanka Muslimiinta ee ka qayb galay macrikadan taarikhiga ah ayaa tiradooda lagu qiyaasay illaa 310 iyo dhawr dagaalyahan, ciidamada Mujaahidiinta si dhamaystirin umaysan soo diyaar garoobin, maadaama aysan kusoo talo galin dagaal intaas la’eg, waxa ayna wateen Labo Faras iyo Todabaatan rati.

Rasuulku ayaa la tashaday Saxabadiisa waxa ayna dhamaantood isku raaceen in la galo dagaal, markaas ayuu Nebiga (N.N.K.H)  ugu bishaareeyay ballankii Allaah ee ahaa inuu u ballan qaaday guul.

Ghazwadani waxaa Nabiga CSW, kala qayb galay Saxaabada kuwii ugu waawaynaa, sida Abuu Bakar Al-Siddiiq, Cumar bin Al Khaddaab, Xamza bin Cabdil-mudhalib iyo Cali bin Abii Daalib. Halka dhanka Mushrikiintana ay  xaadireen madaxyo wayntoodii ku caanbaxay la dagaalan Islaamka iyo Ehelkiisa, waxaana ka mid ahaa Abuu Jahal, Cutba bin Rabiicah, iyo Umayyah bin Khalaf.

Dagaalkani waxaa sidoo kale ka qayb galay Malaa’ig, kuwaas oo ka barbar dagaalamay Muslimiinta, iyagoo ka jawaabaya ducada Nabiga – sallaahu Allaahu calayhi wa sallam – sida uu Allaah ku yiri Qur’aanka Kariimka ah:

قال تعالى: { إِذْ تَسْتَغِيثُونَ رَبَّكُمْ فَاسْتَجَابَ لَكُمْ أَنِّي مُمِدُّكُم بِأَلْفٍ مِّنَ الْمَلَائِكَةِ مُرْدِفِينَ}.

Markii la isku fara saaray saaxada dagaalka, waxa ay guushu raacday Muslimiinta, iyagoo Allaah fadligii ka talaabsaday bakhtiga 70 kamid ahaa Mushrikiintii qureeysheed, oo badan kooda ahaa madaxyo wayntoodii, sida hogaamiyahoodii Abuu Jahal , halka ay gacanta kusoo dhigeen 70 kale iyagoo nool. Waxaa intaasi dheer, in hantidii ay wateen ay gacanta ugashay Muslimiinta iyadoo Ghaniima ah. Muslimiinta dhankooda waxaa dagaalkan uga shahiiday 14 Saxaabi, 6 Muhaajiriin ah iyo 8 Ansaar ah.

Allaha wuxuu yiri isagoo ka waramaya sida uu Muslimiinta ugu gargaaray maalintii Badar, iyagoo tira ahaan aad uga yaraa Mushrikiinta:

قال تعالى { وَلَقَدْ نَصَرَكُمُ اللَّهُ بِبَدْرٍ وَأَنتُمْ أَذِلَّةٌ ۖ فَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ} (آل عمران-123)

Badar waa Ghazwa ay culimada Islaamka ka qoreen kutubo aad ufarabadan, iyagoo ka eegaya dhinacyo kala duwan, mana ahan mid lagu soo koobi karo warbixin iyo taqriir kooban, balse waxaa jira duruus iyo cibir aytahay inuu ka qaato Qaa’idka Muslimka ah ee casrigaan jooge, kaas oo la halgamaya isbahaysiga caalamiga ah. waxaana kamida duruustaas:

Guushu kuma xirna sababo maaddi ah oo keliya.

Guulaha ay gaaraan Muslimiinta kuma xirna asbaabta maadiga ah iyo awoodooda oo kaliya, balse waa sida ay u fahmaan shuruudaha nasriga ee lagu sheegay Qur’aanka kariimka ah iyo sunnada Nebigeenna (N.N.K.H), ayna ku dabaqaan waaqicooda, iyagoo diyaar garoobaya karaankooda. Dagaalkii Badarna wuxuu ahaa tusaalaha ugu wanaagsan ee dagaallada uu xaqa ka gulaystay baadilka.

Ducada iyo u noqoshada Allaah SWT waxay ka mid yihiin asbaabaha ugu horreeya ee lagu gaaro guusha. Saamaynta arrintaasina waxay ku caddahay mawqifkii Nabiga (N.N.K.H) ee dagaalkii Badar. Waxa uuna aad u baryay Rabigiisa ka hor inta uu uusan dagaalka galin, isagoo aad ugu xeel dheeraaday ducada, heer uu Abuu Bakar Al-Sadiiq ku yiri “ Xasbuka yaa Rasuulalaah  Rabigaa waad ku celcelisay ducada”. Taasina waxay caddaynaysaa muhiimadda ay leedahay, in Allaah la isku dhiiba marka ay dhibaatooyinka jiraan, iyadoo asbaabtana aan laga tagaynin.

Xoogga in la saaro mabda’a Shuurada.

Waxyaabihii ugu caansanaa ee uu keenay dagaalkii Badar waxay ahayd xaqiijinta mabda’a Shuurada, kaas oo ah mabda’a aasaasiga ah ee dawladnimada, waana qaab la isugu kaalmeeyo wanaagga, lagu ilaaliyo dheelitirka bulshada, ruux kastana uu ku muujiyo fikirkiisa iyo ra’yigiisa u adeegayo danta dadka oo dhan.

Rasuulku – sallaa Allaahu calayhi wa sallam – waxa uu la tashan jiray saxaabadiisa, in kasta oo uu ahaa mid lagu xoojiayay waxyiga, wuxuu saxaabadiisa kala tashaday dagaalkii Badar, in lala dagaalamo mushrikiinta ama in lagu laabto magaalada Madiina kadib markii kolonyadii Abuu Sufyaan ay badbaaday, inkastoo uu nebigu – sallaa Allaahu calayhi wa sallam – u janjeeray dhinaca dagaalka, marka la eego cawaaqib xumada ka dhalan karta in lagu laabto Madiina, hadana waxa uu saxaabada ka codsaday, inay ra’yigooda ka dhiibtaan arrintan.

Sidaas oo kale Rasuulka markii uu dagay meel ka sokaysa Ceelkii Badar, saxaabiga Xabbab bin al-Mundir ayaa Nabiga kula taliyay inuu dago Ceelka Badar si Mushrikiinta looga jara biyaha, Rasuulka waa qaatay ra’yigaas waxa uuna degay halkii uu kula taliyay saxaabigaas.

Sidaa daraadeed hogaamiya kasta oo kamida Muslimiinta waxaa laga rabaa inuu ciidankiisa la tashdo, xitaa haduu ra’yigiisa la xoog badan yahay, waxaa laga yaabaa in uu soo baxa ra’yi ka wanaagsan midka uu wato.

 

Qaa’idka Muslimka ah Waa inuu Tixgaliyaa Duruufaha Askartiisa.

Rasuulku SCW waxa uu Cuthmaan binu Cafaan uga cudur daaray xaaladda xaaskiisa Ruqiya Bintu Rasuulillaah, taas oo geeriyootay ka hor inta uusan Nabiga (N.N.K.H)  kusoo laabanin magaalada Madiina. Wuxuuna u cudur daaray sidoo kale Xudeyfah bin Al-Yaman iyo Aabihiis Allaha ha ka raalli noqdee, isagoo fulinaya ballan ay ku qaadeen inaysan ka qeyb qaadan la dagaalanka gaalada Qureysh.

Saamaynta Adkaysiga Qaa’idka Muslimka ah ay ku leedahay askartiisa.

Sababtoo ah waqtiyada khatarta ah askartu waxay si toos ah u eegaan hogaamiyaashooda, haddii ay ku arkaan calaamado muujinaya kalsooni, daganaan iyo niyad sare, shaki la’aan tani waxay saameyn doontaa niyada askarta.

Waa in Qaa’idka Muslimka ah uu askartiisa ula dhaqmaa si cadaalad ah oo siman.

Waxaa xusid mudan, in Muslimiinta ay dagaalkii Badar wateen Labo Faras iyo Todobaatan rati sida aan kor kusoo sheegnay, waxaana Rasuulka (N.N.K.H), Abuu Lubabah iyo Cali binu Abii-dhaalib kusoo aaday hal rati, kaas oo ay ku kalaytamayeen saddaxdooda, balse labada saxaabi ayaa ku tashaday inay Rasuulka u dhaafaan ratiga, raasuukana taasi waa uu ka diiday.

Waana mawqif ku tusinaya tawaaduciisa, naxariistiisa iyo cadaaladiisa, isagoo ah hogaamihii ugu sareeyay ee Muslimiinta ayuu saxaabadiisa kula kalaytamayaa hal rati. Waa kuma hogaamiaha maanta samayn kara arinkaas ?

Gunaanad.

Ugu danbayntii, dagaalkii Badar waxa uu u dhexeeyay kufriga iyo iimaan, waxa uu maalintaas ninka la dagaalamay adeerkiis, aabihiis, wiilkiisa, walaalkii iyo abtigii. Cumar bin Al-Khattaab (RC) wuxuu ku dilay abtigii Al-Caas bin Hishaam, waxa uu Abuu Bakar waajahay wiilkiisii ​​Cabdul-Raxmaan, halka Muslimiintu ay gacanta ku dhigeen Cabbaas oo Rasuulka SCW adeerkiis ahaa, sidaasi daraadeed waxaa go’ay walaal-tinimadii ku dhisneed nasabka, waxaana maalintaasi la koryeelay kalimadii iimaanka, halka ay duloowday kalimadii kufiriga, waxa lakala saaray Xaqa iyo baadilka, waxaana maalintaasi loo bixiyey Yamul Furqaan ama maaliltii kala Baxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here