WAA SIDEE XAALADDA DAGAALKA U DEXEEYA RUUSHKA IYO YUKREYN

21
0

Magaalada caasimadda u ah Yukreyn ee Kiyev ayaa waxaa sii wajaheysa weerar joogto ah oo ay geysanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, kaasoo socday tan iyo Isniintii, duqa magaalada Vitali Klitschko[ Vitatali Kilisco] ayaa yiri.

Gantaal uu Ruushku ku qaaday waqooyiga bari ee magaalada Kharkiv ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 23 qof, wuxuuna burburiyay in ka badan 40 dhismo, sida ay sheegeen saraakiisha Yugreyn.

Weerar kale oo gantaal ah oo lagu qaaday magaalada koonfureed ee Odesa ayaa waxyeelo u geystay dhismayaal la deggan yahay waxaana ku dhaawacmay 10 qof, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Yugreyn .

Weerar diyaaradeed ayaa lala beegsaday kaabayaasha tamarta ee gobolka koonfurtaYukreyn ee Mykolaiv, taasoo keentay in korontadu go’do, halka xarumaha warshadaha ee koonfurta bari ee gobolka Zaporizhia sidoo kale la weeraray, mas’uuliyiinta Yukreyn ayaa sidaas sheegay.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay Isniintii in ciidamadeedu ay soo rideen sideed gantaal oo balastiko ah oo ay ku gantay Yukreyn 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Ruushku waxa uu ka fiirsan doonaa in uu geeyo gantaalada riddada gaaban iyo kuwa dhexdhexaadka ah ee Aasiya haddii Maraykanku uu gantaaladaas u diro isla gobolkaas, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Sergey Ryabkov ayaa sidaas yidhi.

Cunaqabatayn Midowga Yurub ayaa soo jeedinaya cunaqabatayn lagu soo rogay dhowr shirkadood oo Shiinees ah oo ay ku andacoonayaan in ay ka caawiyeen shirkadaha Ruushka inay horumariyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo diray Ukraine, sida laga soo xigtay dukumentiyada ay aragtay Bloomberg News.

Komishanka Yurub wuxuu sidoo kale eegayaa inuu ku soo rogo xayiraadyo dheeri ah oo maraakiibta saliidda ee Ruushka si loo xakameeyo awoodda Ruushka ee ah inay hareer maraan xannibaadaha jira, ayay warbixintu raacisay.

Boqortooyada Midowday (UK) ayaa ku soo rogtay xirmooyinkeeda cunaqabateynta ugu weyn ee ka dhanka ah maraakiibta hadhka ah ee Ruushka weli, iyadoo bartilmaamedsanaysa 30 markab, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK David Lammy ayaa yiri, isagoo ku booriyay xulafada G7 inay qalabeeyaan Yugreyn ilaa iyo inta ay u baahan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here