Waaxda Arrimaha Wada-xaajoodka ee Ururka Xoraynta Falastiinta ayaa shaaca ka qaaday Jimcihii khariidad muujinaysa in boqolkiiba 44.5% dhulka Daanta Galbeed ay hadda maamusho Yahuudda.
Khariidaddan oo lagu daray warbixin ay wasaaraddu daabacday, ayaa dulmar ka bixinaysa balaarinta deegaamaynta ee Daanta Galbeed, maadaama ay muujinayso in Yahuuddu ay dhistay 5 degsiimo oo cusub sannadkii 2024-kii oo keliya, marka lagu daro 50 xarumood oo cusub oo dhawaan ay Yahuuddu samaysay.
Khariidaddan ayaa muujisay in boqolkiiba 44.5% dhulka Daanta Galbeed ay hadda gacanta ku hayaan maamulka Yahuudda, ayadoo la doonayo in lagu daro darbiga kala qaybinta ee lakala dhex dhigay dhulka Falastiiniyiinta.
Warbixintu waxay tilmaantay in tirada dadka Yahuudda ah ee deggan Daanta Galbeed ay saddex jibaarmeen tan iyo 1995-kii, iyagoo gaaray illaa 740 kun sannadkii 2024-kii. Waaxdu waxa ay ka digtay in siyaasadaha Yahuudda ay si degdeg ah oo aan ka noqosho lahayn u baabi’inayaan xaqa la haanshiyaha Danta Galbeed ee dadka Falastiiniyiinta.
Waxay tilmaantay in haddii dhismaha deegaamaynta iyo balaarinta Daanta Galbeed ay sida uu yahay ku sii socdo, in deegaamadu ay sii ballaaran karaan illaa 5 jibaar inta ay hadda la eg yihiin dhulalka la haysto.
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka xasuuqa ah ee Marinka Gaza, Tel Aviv waxa ay dardar galisay oo ay balaarisay xawliga deegaamaynta Daanta Galbeed, waxaana sii kordhay hadalkeeda ku saabsan in Daanta Galbeed lagu daro dhulka ay haatan xoogga ku haystaan, iyadoo ay kor u kacday diidmada ay in la dhiso dawlad madax banaan oo ay lee yihiin Falastiiniyiinta.