Wada-Xaajood Ku Saabsan Ganacsiga oo Mareykanka iyo Shiinaha Markale uga Furmay Dalka Ingiriiska.

21
0

Waxaa maanta oo Isniin ah magaalada London ee caasimadda Ingiriiska ka furmay wada-hadal cusub oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha, kaas oo la doonayo in lagu xaliyo khilaafka ganacsi ee u dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Mareykanka Doonaal Taraam ayaa dhawaan sheegay, in wafdi heer sare ah oo Ameerikaan ah uu la kulmi doono wakiillo ka socda Shiinaha, halka Biijiin ay dhankeeda xaqiijisay, inuu wadahadaladani uga qaybgalayo ku xigeenka raysul wasaaraha dalkaas ninka lagu magacaabo Hii Lifiingi.

Arintaan ayaa daba socotaa xiriir dhanka taleefoonka ah oo dhexmaray Taraam iyo madaxweynaha Shiinaha Shii-Jiin usbuucii hore, kaasoo madaxweynaha Mareykanka uu ku tilmaamay  mid wanaagsan.

Bishii hore, Maraykanka iyo Shiinaha ayaa gaaray heshiis ku meel gaar ah si loo dhimo canshuuraha laga qaado badeecadaha ay iswaydaarsadaan. Si kastaba ha ahaatee, labada dal ayaa tan iyo markaas ku eedeeyay dhinaca kale inuu jabiyay heshiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here